Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland.

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Socdaalkoodi Yurub Ku Soo Khatimay Dalka Finland
Published on April 9, 2017IMG_0029

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ee socdaalka ku maraayay Qaarada Yurub ayaa safarkoodii lugtii u danbaysay waxay ku soo khatimeen Dalka Finland oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Jaaliyada ku dhaqan Dalka Finland ayaan u kala hadhin soo dhawaynta Waftiga Guddoomiyaha, waxaana lagaga hortagay garoonka Diyaaradaha Finland, casuumado kala duwan iyo martiqaad kadib waxa habeenkii xalay munaasibad Ballaadhan oo lagu soo dhaweynaayo Murashaxa WADDANI iyo Waftigiisa ayaa lagu qabtay Caasimadda Finland ee Helsinki .IMG_0007
Munasibadaas oo aad u qurux badnayd waxa ka hadlax madaxda Jaaliyada Somaliland ee Finland, haeen dhalinyaro iyo waxgarad tirobadan, xubnihii Munasibada soo dhaweynta waftiga hadalada ka jeediyay ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo muddo dheer deganaa Dalka Finland.
Geesta kale Madaxda Xisbiga WADDANI ee Guddoomiye Cirro safarka ku wehelinaayay ayaa munasibadaas hadalo ku saabsan doorashada Dalka ka dhacaysa, xaalada dalkii ee hadda iyo socdaalka waftiga u jeedadiisa iyo Waddamada ay soo mareen ka jeediyay kulankii Jaaliyada Finland. Waxaana kamid aha Madaxdii hadaladaas jeediyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xaji Xasan, La-taliyaha arrimaha Dibadda ee Murashaxa WADDANI Marwo Faadumo Siciid, Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo kamid ah hoggaanka Xisbiga iyo kaaliyaha gaarka ah ee Saxaafadda ee Murashaxa Muniir Axmed Cigaal.IMG_0013
Gebo gebadii Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo soo xidhay munaasibadii soo dhaweynta jaaliyada Somaliland ee Finland ku qaabishay waftiga ayaa uga mahadceliyay sida qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo sheegay inuu sharaftaa iyo qiimaha ay muujiyeen rer Finland ay tahay miday caan ku yihiin, uuna ka filaayay. Guddoomiye Cirro wuxuu ka waramay u jeedada socdaalka waftiga oo uu sheegay in ubucdiisu ahayd sidii ay beesha caalamka iyo ururada deeqbixiyaasha u gaadhsiin la hayeen baaxada abaaraha ku habsaday Somaliland gaadhsiisantahay iyo sidii gurmad loogu heli laha, sidoo kale wuxuu Guddoomiye Cirro sheegay inay sidoo kale Qurbajooga ku dhaqan Qaarada Yurub oo Xisbiga lafdhabar u ah kulamo ula qaadan la hayeen maadaama oo Xisbigu u baahanyahay gacantooda oo uu ku tiirsanyahay.
Murashaxa Xisbiga WADDANI wuxuu ugu danbeyntii fariin u diray koomiishanka doorashooyinka, Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo uu ugu baaqay inay tartan u soo diyaar garoobaan.IMG_0009IMG_0011IMG_0026IMG_0026