Kulan Laba Geesood ah Oo Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Komishanka Doorashooyinka iyo Arrimo Xaasasi ah Oo Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Komishanka Doorashoyinka Somaliland ayaa kulan gaar ah ku yeeshay qasriga madaxtooyada Somaliland, kulankan oo socday muddo saacado ah ayaa iloxogaal ahi Wargeyska Waaheen u sheegen in ay labada dhinac ay ka wada hadleen Arrimaha doorashooyinka ee inagu soo fool ah oo ay ugu horeyso doorashada Madaxtooyada oo la filayo in ay qabsoonto Bisha November ee sannadkan,

waxa kale oo la sheegay in ay ka wadahadleen arrinta muddooyinkan danbe khilaafkeedu taagna ee uu hore Madaxweynuhu u sheegay in Musdanbeed u sameyn doono Komishanka Doorashooyinka, inkasta oo komishanka doorashooyinku diidanaayeen Musdanbeedkaasi, hadana si cad looma oga waxay labada dhinac isla meel dhigeen.
Kulan noocan oo kale ah ayaa habeen hore madaxtooyada ku dhex maray wasiirka Madaxtooyada iyo Komishanka Doorashooyinka si cad looma oga waxyabaaha labbada dhinac ka wada hadleen.
Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa 29 bishan u cayimay bixinta kaadhadh codeynta doorashada, waxanay hore u sheegen in xukumada ay ka sugayaan lacagtii ay doorashada ku qaban lahaayeen oo ay tilmaameen in lacag Shan Milayn oo Dollar ahi ku hadhsan tahay xukumada, halka Wasaarada Maaliyadu hore ugu wareejisay Afar Milayn oo Dollar, iyada oo lacagta Xukumada laga doonayeyna lagu sheegay qiyaas ahaan Sided milayn oo Dollar.
Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa iyagu hore u diiday musdanbeedka madaxweynuhu soo jeediyey in loo sameyo komishanka doorashooyinka.
Dhanka kale La-taliyaha Madaxweynaha Somalilad ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in aan loo bahnayn in komishinka doorashooyinka loo sameeyo Musdanbeed, isaga oo tilmaamay in shaqada komishanku tahay gaarsoor isla markana cid kale oo go’aanka ku wehelisa in la sameyo aanay ahayn, isla markaana taasi meel ka dhac ku tahay shaqada Komishanka.
Sources: Wargeyska Waheen