Ma Kasbaa Mise Waa Karti Darro Dib U Dhacyada Komishanka Doorashooyinka S/land Ku Yimaada Iyo Waqtiga Sabob La”aanta Ku Dhaafaya ?

Dib u curashadeenee

Xeerkiyo dastuurkii

Dimuquraadi lagu qoray

Foodka loo dareeree

Doorashooyin lagu galay

Rag dabraayabaa jira

Xisbiyada docdoodii

Rag duleeyaybaa jira

Bahal daba qaloociyo

Dulin lagu abuuroo

Dildilaacshabaa jira

Balo laga ducaystoo

Durbaan loo tumaayoo

Loo dabaaldagaa jira

Qalinkii Iyo Erayadii : Maansadii Daalacan Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Tan iyo maalintii Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka loo dhaariyay Xilka Culus ee ay u hayaan Qaranka S/land oo Masuuliyadoodu tahay in ay Dalka S/land ka qabtaan Dorashooyin Xor iyo Xalaal ah maalintaa la dhaariyay Xubnaha Komishanka oo Taariikhda la dhaariyay ku beegnayd 7/12/2014 iyadoo Qormada Diirada Qoraaga ku saari doono muddo Laba Sanno iyo Afar Bilooda oo Komishanka Doorashooyinka S/land Xilka hayaan iyo Dib u dhacyada sobob la”aanta ah iyo gaabiska faraha badan ee hadheeyay Xilkii loo igmaday ee dardar galinta geedi socodka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka waxaana iswaydiin mudan Miyay arki la”ayihiin Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran gaabiska Komishanka Doorashooyinka ? Mise waa kula heshiis Hogaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada Waqtiga Sabob la”aanta ku dhaafaya Komishanka Doorashooyinka ? Maxaase u saboba in Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran in ay ka gaabshaan Dardar galinta iyo dabo ka riixa gaabiska Komishanka Doorashooyinka ? Marka aad si qoto dheer u eegto Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaa   ( Dheeraystaa Wuu Gaabsadaa Gaabsadaase Ma Dheeraysto ) Maxaa la gudboon Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada S/land ?

Waxaana hubaala in Komishanka Doorashooyinka S/land Waqti badan kaga lumo sabab la”aan iyadoo Muwaadiniinta, Aqoonyahanka iyo Ururada Bulshada S/land ee u ololeeya Geedi Socodka Dimuquraadiyadu ay ku eedaynayaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka in Xilkii cuslaa ee loo igmaday in ay ka Gaabsheen ball aynu dib u milicsano muddo Sannad ah oo Komishanka Doorashooyinka S/land ay ku qaadatay Diyaarinta Hawsha Diiwaan gallinta Codbixiyaha iyadoo marag cad looga dhigayo in ay Gabi ahaanba Dalka S/land ka qaban Karin Doorasho Xor ah oo Xalaal ah iyadoo Diiwaanada Taariikhda ku xusan tahay in Maalintii Xilkaa Culus loo Dhaariyay Komishanka Doorashooyinka S/land eek u beegan 7/12/2014 ay Shaqo ay qabtaan ugu xigtay in Maalin ku beegan 13/1/2016 ay Komishanka Doorashooyinku ay Shaqada Diiwaan galinta Cod bixiyayaasha ay bilaabeen Gobolka Togdheer oo Maalintii Xilkaa Culus loo dhaariyay noqonaysa muddo Sannad ah .

Mar kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Maalin ku beegan 26/9/2016 ay Komishanka Doorashooyinka S/land Munaasibad u qabteen ay ka soo qayb galeen Madaxwaynaha Siiraanyo iyo Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Gunaanadka Wajigii koowaad ee Diiwaan galinta Codbixiyaha iyadoo Komishanka Doorashooyinka ay ku qaadatay in Muddo Sagaal Bilooda ay ku soo Gunaandaan Wajiga Koowaad ee Diiwaan galinta Cod bixiyaha waxaase iswaydiin mudan imisa Bilood ama imisa Maalmood ay ku qaadatay Komishanka Doorashooyinka S/land in ay Shaaciyaan Wajiga Koowaad ee Diiwaan galinta Cod bixiyaha ee iska diiwaan galiyay Gobolada iyo Dagmooyinka S/land ?

Marka Su”aashaa si cad looga jawaabo waxaa Hubaala in Muddo Lix Bilooda ay ku qaadatay Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka S/land in ay ku dhawaaqaan Tirada Codbixiyaha ee iska Diiwaan galiyay Gobolada iyo Dagmooyinka S/land iyagoo Maalin ku beegan 28/3/2017 ku dhawaaqay Tirada Codbixiyaha ee Wajiga Koowaad isku Diiwaan galiyay in ay codeeyaan.

Ugu danbayn waxaa hubaala in ay Kas iyo Karti darraba ka tahay in Komishanka Doorashooyinka S/land Muddo Xileedkoodii kala badh kaga lumay iyagoo aan Dalka Doorasho kaliya ka qaban  marka laga soo bilaabo Maalintii Xilka Culus loo dhaariyay 7/12/2014 ilaa Maanta oo Taariikhdu tahay 20/4/2017 waxaana yaabka yaabkii Bulshada S/land ku noqotay iyadoo Sadex jeer oo hore muddo kordhin loogu sameeyay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo  in Komishanka Doorashooyinku ay ku dhawaaqaan in Bisha Ramadaan ay Fasax tahay oo ayna Shaqayn doonin Komishanku iyadoo Go”aankaasi sida Dayax iyo Shan Tobnaadka banaanka u keenay in Gaabiska Komishanka Doorashooyinku ay mar Sadexaad Sabobayaan in muddo kordhin loo sameeyo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo waase Barri iyo Bill danbe .

Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land