Madaxwaynaha Maamulka Somaliya ee Sida Weyn Uga Soo Horjeeda Somaliland Oo Safar Ku Tagaya Imaaraadka Carabta Iyo Saldhiga Milateri Ee Berbera Oo Ah Mawduuca Ugu Wayn Ee Uu Ka Hadalkiisa U Baxayo

Sidoo kalena heshiiskan dhawaan dhex maray Imaaraadka Carabta iyo Puntland ee ku saabsan dekeda Boosaaso ayay iyadana ka wada hadli doonaan.Balse sida ay xogahani sheegeen madaxwaynaha Somaliya wuxuu culayska Saari doonaa arrinta saldhiga Milateri ee Berbera.

Lama oga jawaabta ay dawlada Imaaraadka Carabtu ka bixin doonto,laakiin wararka ayaa intaas ku daraya in dawlada Imaaraadka Carabtu madaxwayne Farmaajo ku wargelin doonto heshiis la filayo inay dhawaan la galaan madaxwaynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo ku saabsan dekeda Kismaayo.