Mudanayaasha Wakiilada Somaliland Oo Cod Gacan Taaga Ku Ansixiyey Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Madaxwaynuhu Dhawaan Magacaabey.

Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo saaka fadhi iskugu yimi ayaa waxay cod gacan taaga ku ansixiyeen xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo isla markaana uu dhawaan madaxwayne Siilaanyo digreeto ku magacaabay.

Kalfadhigan saaka ee mudanayaasha wakiilada ayaa waxa xaadir ku ahaa 45 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha,waxaana hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaana mudanayaasha wakiilada hortooda laga akhriyey  taariikh nololeedka wasiiradan maanta la ansixiyey.

Intaasi kadib ayaa waxa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland guda galeen codaynta wasiiradan golaha horfadhiyey iyaga oo badankooda cod gacan taaga ku ansixiyey.

Wasiirada la ansixiyey ee maanta golaha hor yimi ayaa waxay kala ahaayeen sida tan

  • Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan Qabo
  • Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye
  • Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble
  • Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos
  • Wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland Axmed Xuseen Rooble.

Wasiiradan ay golaha wakiiladu ansixiyeen maanta ayaa noqonaya kooxdii labaad ee ay ansixiyaan iyaga oo ay ahayd dhawaan markii ay golahu cod gacan taaga ah ku ansixiyeen wasiiro,wasiiro ku xigeeno,wasiiru dawlayaal iyo agaasimayaal ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilanyo.