Nolosha Facebook iyo Waxyaabaha kala duwan ee lagu arko !!!Faalo Xiiso badan oo uu qoray..Ali Abdi Ali Hoshow

Facebook oo ka mid ah baraha bulshada waxa uu qeyb ka noqday nolosha aadanaha. Dad ayaa kugu soo darsanaya Facebook, kuwa ayaa ku soo daba-galaya, kuwa xanibaad ayey muteystaan, kuwa iskood ayey uga baxaan saaxiibtinimada bugga ah, kuwa ayaa iska barta, kuwa ayaa iska shukaankada, kuwa ayaa iska guursada, kuwa ayaa aqoon kala kororsada, kuwa ayaa badownima la soo baxa, kuwa aqoondaran ayaa qabyaaladda iyo naceybka ku faafiya, kuwa ayaa sawiro qaawan isku soo bandhiga, kuwa ayaa baroor been ah iyo catow la soo baxa si ay caan u noqdaan !tmp_6656-facebook-2058382846

Facebook waxaa lagu sheegaa dowlad aan saldhig laheyn oo dadka adeegsada ay u badan yihiin kuwa u qabatimay sida balwad oo kale, qeybna ka noqday howl maalmeedkooda shaqo.

Facebook waxa uu lumiyaa waqti xad ka bax ah, waxa uu kala dareeriyaa laba is jecleyd, waxa uu colaad ka dhex huriyaa qoysas, qabiillo, dowlado iyo dad nabad ku wada noolaa !

Facebook waxaa lagu sheegaa rug madadaalo, maad iyo qosol leh, balse kulansada dad la hiraanhiray hadallo laabtoodu buuxiyay ha noqdeen kuwa ehel u ah aqoon oo maskaxdooda tuujiya, kana soo saara murti, kuwa ku bandhiga aragtiyadooda siyaasadeed, kuwa olole doorasho ku fushada, kuwa ganacsigooda ku buun buuniya iyo kuwa kale oo dhaan-raac iyo dhowaan-gal ah oo dhaqankoodu yahay inay akhristaan qoraallada dadka, xatooyana kula dhaqaaqaan, iyaga oo isku sheegaya inay yihiin kuwa wax alifa oo af iyo maskax maal ah, waxaase jira kuwa kale oo joogaa maqan ah ! dhug iyo dhaayo aan laheyn!, waxaa dhiba akhriska, waxa ay ku mashquulaan daawashada heesaha iyo inay ku soo galaan bartooda Facebook “Live” waa dad kala ujeeddo ah, ninba dhan u badi !

Nolosha dunida waa mid ka buuxda kala duwanaansho.

Dhammaan way kuu dhow yihiin. Dhammaan way kaa fog yihiin. Qof waliba wuu ku yaqaanaa. Adiguna qofna ka garan maysid !

Kalama aqoonsan karid lab iyo dhedig waxa ay yihiin dadka aad aragtid sawiradooda, kuwa magac bad badalashada badan iyo kuwa muuqooda qariyay.

Kalama garan kartid kuwa doorbidid “Like” iyo faallo bixin “comment” ku deeqa waxa aad soo bandhigto, ha u qaadan dadkaasi in jaceyl, qabiil iyo tolnimo kaala dhexeyso ee ogsoonow waxa ay la dhaceen aragtidaada ha noqoto mid toosan ama mid khalafsan.

Facebook waa tuullo ay ku kulmaan kuwa waalan, kuwa caqli leh iyo kuwa dib u socod ah.

Facebook waxa uu fursad kuu siinayaa inaad wax akhrisatid, daawatid, dhageysatid iyo qortid. Waxa lagu soo bandhigo inta badan lama rumeysan karo jiritaankooda, waa goob u furan qof waliba oo guux uu ku jiro si uu ugu hor hunqaaco dad kala aqoon iyo dhalasho duwan.

Facebook micno ahaan Af Soomaali waa Fool buug/ Weji buug, wax kale ma ahan waa kan soo saari kara shakhsiyadaada, dabcigaaga iyo dad la dhaqankaaga.

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow
Twitter: @AliHoshow Email: alihoshow@gmail.com