DHAGEYSO Nuxurka Kulan Magaalada Caynaba Ugu Soo Dhamaaday Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Horjoogaha Kooxda Khaatumo

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in magaalada Caynaba ay ku sugan yihiin wafti uu hogaaminayo horjoogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo wafti wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxaana naloo sheegay in waftigan ka kala socda labada dhinac ee kooxda Khaatumo iyo Dawlada Somaliland  ay xalay u hoydeen magaalada Caynaba halkaas oo labada dhinacba xalay ilaa saaka uu kulan albaabadu u xidhnaayeen uu ku dhex maray.

Waxaana xogaha kassoo baxayaa ay noo sheegayaan in kulankan albaabadu u xidhnaayeen ee dhex maray labadan wafti uu salka ku hayo wada hadaladii dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo iyo waliba ka wada hadalka sidii nabad waarta looga dhex dhalin lahaa labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex marayso deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Sidoo kalena xogo nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in kulankan sidoo kalena lagu heshiisiinayey Prof Cali Khaliif Galaydh iyo wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan CIise Axmed “Xaglo-toosiye taas oo ay iska laab xaadhanayeen xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex gashay.

Wasiirada dhinaca xukuumadda Somaliland ka socda ayaa waxa kamid ah sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Caynaba oo Warbaahintu la xidhiidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami,Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habbane,Wasiir Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” jananka ciidamada qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux  Taani iyo waliba xubno kale oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Dhanka kale ee kooxda Khaatumo waxa iyagu ka socda sida naloo sheegay Cali Khaliif Galaydh horjoogaha Kooxda Khaatumo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Khaatumo.

Gabagabadiina waftigan labada dhinac ayaa la filayaa inay u amba baxaan saacadaha soo socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Log11