DAAWO:Komishanka Qaranka Somaliland iyo Saddexda Xisbi Oo Saxeexay Xeerka Kaadh Qaybta Doorashooyinka.

Gudida Doorashooyinka Somaliland iyo Asxaabta Siyaasada ayaa maanta magaalada hargaysa ku kala Saxeexday Xeerka Hab-dhaqanka Doorashooyinka Madaxtooyada ee Somaliland Ku Soo Socda.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Akaadamiyada Nabad iyo Horumarinta Somaliland ayaa dhinacyadii ka soo qayb galay soo dhaweyeen xeerka doorashooyinka soo socda iyaga oo ku adkaystay in ay la shaqayn doonaan gudida doorashooyinka.

Guddoomiyaha Akaadamiga Nabada Iyo Horumarinta Somaliland Maxamuud Faarax Xirsi ayaa sheegay in Kulankani yahay in Saddexda xisbi iyo gudida doorashooyinka Saxeexaan Xeerka Kaadh Qaybta Doorashadda Waxaana uu yidhi.

“Haday tahay xisbiyada iyo haday tahay dadka reer somalilandba doorashadu muhiim ayay inoo tahay laba jeer oo hore ayay dib inooga dhacday haday mar Saddexaad dib inooga dhacdo

waa burbur markaas waxaan leeyahay waa in aynu doorashadda wada qabano oo aynu ku tuntuunsano wixii inooga soo baxana aynu ku hawl galno.

Guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi.”waxa aynu leenahay doorashadu haday mar muhiim inootahay aynu gudida doorashooyinkana aynu garab istaagno sid ay doorasho xor oo xalaal ahi inoogu dhacdo.

Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir iimaan warsame oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay qaybinta kaadhadhka codayntu waxaana uu yidhi.

“Hab-dhaqanka aynu maanta halkan ku saxeexaynto waxa ay ujeedkiisu tahay in ay xisbiyadu ku ilaaliyaan taageerayaashooda iyo shicibka gobolada iyo degmooyinka dalka jooga ee qaatay warqadii diwaan galinta ee hadana doonaya in ay kaadhkii qataan ee ay ku galayeen codbixinta doorashadda.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani oo isaguna geestii ka hadlay xeerkan ay soo qaban-qaabisay akaadamiga nabad iyo horumarinta Somaliland ee ay sexeexayaan xisbigada Somaliland ee lagu Anshax Marinayo ayaa waxa uu yidhi.

“Xeerkan maanta halkan lagu saxeexayaa waxa uu dhaqan gali doonaa marka ay xukuumadu ka soo baxdo xilka ka saaran kaadh qaybinta iyo doorashooyinka oo ah in ay ka soo baxdo xaga nabad galiyadda iyo la shaqaynta gudida doorashooyinka iyo hirgalintiisaba,lakiin dhibta talaa ee run in laga sheego ahi waxa weeyaan inaanay wali xukuumadu bixin dhaqaalihii ilaa hadda doorasho lagu gali lahaa ee waxaas aynu hadda saxeexayno lagu dhamaystiri lahaa oo aanay ilaa hadda bixin oo hal milyani hadda ku hadhsan yahay.

Xoghayaha Xisbiga Waddani oo hadalkiisa siiwata ayaa xukuumadda Somaliland ku edeeyay in ay gaabis ku muuqdo xaga lacagta ah waxaana uu ka shekeeyay xadiga lacagta aanay xukuumadu bixin.

“Xukuumadda lacagta ku hadhsani waa halmilayn oo ah tii kaadhadhka iyo afar milyan oo ah tii doorashooyinka oo aanay wali xukuumadu bixin,waxaana loo baahan yahay si doorasho loogu diyaar garoobo in ay xukuumadu bixiso lacagtii xaga doorashada iyo xaga kaadh qaybinta kaga aadanaa.

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada dalka haya ee kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna ka hadlay madashan ayaa yidhi.

“Halkan Maanta komiishanka doorashooyinka Somaliland iyo Axsaabta qaranku waxa ay halkan ku saxeexayaaan xeerkii Anshax Marinta Taageerayaasha xisbiyada oo ah kaadh qaybintii taas oo noqonaysa marxaladii ugu horaysay ee diyaar garawga doorashadda soo socota ee madaxwaynaha,waxaanan halkan ka sheegaynaa  sidii tii horeba ugala shaqayna inaanu maanta idinkala shaqayno ayaanu diyaar u nahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal Cali Xuseen ayaa sheegay in komiishanka doorashooyinka looga baahan yahay in ay yeeshaan ku dhiirasho waxaana uu yidhi.

“Anagu hadaanu nahay xisbiga ucid waanu idin garab taaganay oo wixii aad nooga baahataan diyaar ayaanu idiin nahay oo idinkuna awood ayaa laydin siiyee awoodiina isticmaala oo qofka khadaln sheega,waxaanu leenahay markaas nin gar haysta waxa weeyaan nin midi haysta oo margadee awoodina isticmaala oo sharciga u adeegsada.