DAAWO:Shir Lagaga Hadlay Xaaladda Abaaraha, Caafimaadka Guud Ee Dalka Iyo Arrimo Doora Oo Maanta Ka Qabsoomay Madaxtooyada Ayey Ka Soo Baxeen Go’aamo

Hargeysa(GNN)-Kulan ay isugu yimaadeen Masuuliyiin ka kooban Guddida Abaaraha, wasaaradda Caafimaadka, xubno ka mida golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagu shirka gudoominayey.

 

Cabdiwahaab Maax  oo ka mid ah Guddida Abaaraha ee heer qaran oo faahfaahin ka bixiyey shirkani ayaa yidhi “Sidii caadada inoo ahayd guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran oo wiigiba saddex jeer kulma si ay ugu kala war qaataan xaalada iyo duruufaha kolba jira ee kusoo kordha wadanka, ayaa maanta waxay  shir isugu yimi maadeen guddida abaaraha ee heer qaran oo ka koobnaa wasiiro, xubnihii ganacsatada ahaa iyo culimadii, waxaana kulankaas lagu lafa guraayay duruufahaas abaaraha ee dalka ka jira dhamaantoodba oo isugu jira kuwa gudaha ku sugan iyo kuwa u hayaamay Puntland iyo meelo kale iyo kuwo dalka gudihiisaba kusoo hayaamay si weyn baa loogu lafa guray sidii wax loogu qaban lahaa iyo wixii awood ah iyo wixii taakulayn  ahba in la gaadhsiiyo.

Waxa laga hadlay duruufaha ugu daran oo ay kamid tahay biyaha oo ah kuwa aad ka loogu baahan yahay in la gaadhsiiyo oo ay ugu badan yihiin dadka ku nool gobolada bari iyo bal in laysku dayo wixii awood ah in la daad gurayn karo dadka jilicsan ee bariga fog ama Puntland u hayaamay markii hore hadana ay xeeb iyo biyo la’aani ku dhacday iyo kuwa gudaha kusoo noqday laftooda oo xaalad adag ku sugan sida Sanaag bari ama gobolka Badhan meelaha qaarkood duruufahaas oo dhan baa laga wada hadlay go’aanna waa laysla qaatay insha Allaah wiigaga soo socdana talaabooyin ayaa la qaadi doonaa.

Shirku guud ahaan wuxuu ku saabsanaa in arrimahaas laga hadlo in xaalada laysla qorsheeyo wixii duruufahaas ku xidhnaana waa loo qorsheeyay insha Allaah maalamaha soo socdana gudi gaara ayaa loo diri doonaa bari oo tagi doona saldhigna ka dhigan doona Sanaag iyo Badhan si dadkii kasoo noqday bari iyo kuwii lasoo daad gureeyayba wixii lala qaban karo ee awoodaa lala qabto”

Wasiir Sheekh Khaliil ayaa isna halkaasi ka iclaamiyey in maalinimada sabtida dalka oo dhan looga dareeri doono salaad roobdoon ah, sidoo kalena ka hadlay arrimo la xidhiidha shirkaasi waxaanu yidhi Sheekhu “Shirkani waxa uu ahaa shirarkii caadiga ahaa ee ay isugu iman jireen xubnaha guddida taakulaynta abaaraha sidaad wada ogtihiin roobkii wuu inaga yar daahay inkasta oo rajada aanu ALLE ka qabnaa aanay xumayn,waxaad arkaysaan inuu culayskii sii kordhaayo gaar ahaan kaliishii oo kululaatay oo biyo la’aani jirto iyo sidoo kale cuntooyinkii aanu qaybinaynay wiigagii u danbeeyay siday u gaadheen goobihii iyo deegaamadii soo guurtada ahaa ama dadkii kale ee dhulka ku sugnaa ee ku hadhay.

Waxaad ka war haysaan in mudooyinkii u danbeeyay aanu raashino aad u fara badan oo ilaa 42,000 oo qoys gaadhaya aanu dirnay oo  baxay oo la gaadhsiinayay gobolada iyo degmooyinka, sidoo kale wixii jawaab ahaa ee kasoo noqday inta baahidu leegtahay ayaa lagu lafa guraayay waxa maanta dadkii ugu darani waa xaga biyaha oo dadkii u hayaamay dhinacaa iyo Puntland oo runtii ay aad u soo dhawaysay oo aanu uga mahad naqayno dadaalkaas ay qabteen iyo siday usoo dhaweeyeen waxaanu isku dayaynaa in dadkaas wixii loo qaban karo in loo qabto oo guddi arrintaas u gaara ayaa u bixi doona ugu yaraan 48 saacadood ee soo socda oo gaadhi doona goobahaas.

Waxaanu ka codsanaynaa cid kasta oo hawshaas nagula jirtay inay sidoodii heegan u ahaadaan oo runtii taakulaynta aanay ka hadhin oo aan loo qaadan roobkii inuu da’ay laakiin xaaladu ay adag tahay waxaynu u baahan nahay dhaqaalihii, taakulayntii iyo wixii laysu qaban lahaa in laysu qabto oo halkii laga sii wado, xukuumad ahaan aad baanu u dadaalaynaa runtii waxan u mahad naqayaa xubnaha ganacsatada iyo culimada ee ku jira guddida oo iyagu hadh iyo habeen aan si kala go’ lahayn  u shaqaynaya oo heegan u ah oo u taagan oo dadkooda caawinaya waxaanu ka codsanaynaa bulshada iyo xukuumada iyo cidkasta oo ku hawlan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen inay ugu qabtaan xaqiiqatan waxaanu u baahan nahay gaadiid na caawiya dadwaynaha waxaanu mar labaad ka codsanaynaa inay gaadiidka aanu ku soo qaadayno dadkaas inay nagala qayb qaataan oo ay noo soo diyaariyaan anaguna wixii taakula ah ee shiidaalku ka mid yahay in aanu ku taageerno.

Waxan kaloo bulshada u sheegayaa in maalinta sabtida ah ee wiiga soo socda aynu gobolada iyo degmooyinka dalkaba ka samayn doono roob doonm aynu ILLAAHAY ku baryidoono oo hadii roob inoo da’ana aynu mahad naqi doono hadii roobku sii maqnaadana inaynu sidii ALLE looga maali jiray naxariistiisa aynu ku dayno oo duco fara badan samayno “

Waxa isna halkaasi warbixin mug leh ka sheegay Dr Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine) oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxaanu yidhi “Xaaladaha aanu ilaa hada haynaa waxaa weeye Shuban dhiig leh shuban caadi ah wali ilaa hadda kan laga sheekaynayo xaaladiisa ma hayno,  hadaynu tusaale usoo qaadano min bari ilaa galbeed Wasaaradda Caafimaadku talaabo talaabay ula socotaa, Warbixintii aanu saaka gudida siinaynay waxaa ka mid ahayd Gobolka la yidhaahdo Xaysimo marka loo noqdo wax aka jira Xaalado badan oo ilaa 52-kays ah baa soo biiray waa inta la jiifiyey, tirada guud waa 148 ilaa hada wax cad oo la odhan karo waa shuban biyood ma jiro waa wax isku jir-jira dhamaantii ”

“Buuhoodle hadaad usoo noqoto shuban baa ka jira Wasiirkii Wasaaaradda Caafimaadka ayaa jooga daawooyin iyo waxwalba waa la geeyey, shalay kooxba u tegay maanta tiim dhakhaatiira u tegay biyihii in la nadiifiya bay noqonaysa, Awdal wiigan u danbeeyey waxa ka jiray Shuban laakiin nin ka hadli kara oo dhan kara xaalad laga dayriyo shubankasa jira ama Shuban biyood baa jira ma jirto, Xaaladiisa guud markan usoo noqono waxa weeye daawo iyo qalab iyo xirfalayaal caafimaad oo ku filan ayaa jooga gacantaana lagu hayaa, wax laga dayrin karo ama bini-aadnimo ka baqan karo ma jiro waxyaabaha qaarkood marka laga hadlayana dawlad baa u xil saaran oo iyadaa go’aankeeda qaadan karta iyadaana sheegi karta hadii xaalad adagi inagu soo biirto, Ilaa hadana wax adagi ma jiraan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo Wasiirkoodu hogaaminayaa meel qurux badan bay marinayaan hawsha waxa alle wixii jira ee soo kordhana waa laydinla socod siin doonaa hadii Ilaahay nafta inagu simo, wax dadweynuhu ka baqaana ma jiraan xaalada imika la joogo”

“Roobaa inagu soo dhaw Insha allaah tacaallaa dhulkeena waxay dadku ka cabaan Berkedo iyo Baraago laga cabo, waxaynu u baahanahay Baliyada iyo Baraagaha dhammantood inta aan roobku di’in in Gacamada soo gala lasii nadiifiyo oo bakhti wixii yaala laga qaado si aanay biyahaasi u wasakhoobin, shubankan inagu soo badanaya waa wax waxaas uun  ka yimaada ee maaha waxan kale ee dadka qaarkii meelahaa kaga hadlayaan, ama jaraa’idka aan saaka ku arkaynay wax jira waxaasi maaha wixii intaa ka danbeeyana wacyi-gelin xoogan ayey Wasaaradda Caafimaadku insha allaahu tacaalaa inoo keeni doontaa, inagoo kaashanayna Gudida Abaaraha Wasaaradda Caafimadka oo wasiirkeedu hogaaminiyo, Dawladda Somaliland oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Hogaaminayo Siyaasadiisana ku cad Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Maaliyadduna ay garab buuxa nagu siinayaan hadii ilaahay nafta inagu simo”