Shirkadda TELESOM Waxay liddi ku tahay dawladnimadda Somaliland iyo dhaqaalihii ay wadankan ka heshay oo ay ku muquunisay qaraarkii madaxweynaha ee wax ka qabashadda hoos u dhaca Shilingkeena

TELESOM maxay uga hor timid  in Shiling Somaliland lagu isticmaalo Zaadka wixii boqol dolar ka yar

Wadamadda burburay waxa kaliya ee ka faa’iidaysta waa ganacsatadda ku koray nidaam darada jirta, waxaana tusaale inoogu fulin xal u helitaanka Soomaaliya oo sababta ugu weyni tahay kala korka ku dhaca awoodii dawladnimo iyo xoogaysigii ganacsiga, haddii ay ganacsatadda iyo dawladnimaddu kala korta waxa ka dhalan kara in ganacsataddda  siday doonaan u dhaqmaan, waaayo ganacsatadda dawladnimo la;aanta ku koray waxay mar walba jecel yihiin dawlad la’aanta haddii dawladtimaado waxa imanaysa isla xisaabtan iyo in cashuuro la is waydiiyo, sidaas darteed ayey mar walba dagaal ula galayaan inay dawlad taaba qaada ka hir gasho Soomaaliya.

Shirkadaha mudaddii dawlnimadeenu soo hana qaadaysay koray waxa ka mid ah shirkada TELESOM, waxaanay si balaadhan uga hawlgashay wadanka iyadoo ka faa’iidaysanaysa jilicsanaanta dawladeena, waxaanay inta badan saamayn ku yeelatay baahiyihii nolosha.

Aduunka lama arag shirkad ganacsi oo  oo dhinac walba noloshii dadka  saamayn ku yeesha, tusaale ahaan in shirkad kaliya wada yeelato, Telefoon, Baangi, Laydh, Gaas, iyo ganacsi kale, haddii shirkad isku daydo in ganacsi walba yeelato waxa mustaqbalka dhici karta inay dawlad yar isku qaato oo ay ka hor timaado amaawiirta dawladda ay ka hoos shaqaysato.

Ififaalaha imika inoo muuqda waxa weeyi in durtaba ay bilaabantay awood maroor iyo inay diido amaradda dawladda oo waxa tusaale inoogu filan in shirkadda TELESOM ka hor timaado amarkii madaxweynaha ee ahaa in gabi ahaanba la joojiyo boqol doolar wixii ka yar in dollar la iskugu diro Zaad-ka, iyadoo la doonayey in la xoojiyo ama la tayeeyo lacagta Shiling Somaliland, haseyeeshee iyadoo isticmaalaysa awoodeedda dhaqaale ayey si cad uga hor timid amarkii madaxweynaha, isla markaana warbaahinta ka cadaysay in aanay qaraarka qaadan Karin,isla markaana ku tilmaamay amarkii madaxweynaha qaraar siyaasadeed sida uu BBC-da ka cadeeyey wiilka yar ee ku soo dhex barbaaray dhaqaalaha Telesom ee Cabdiwahaab ee markiiba hadalo aan maskax fayow soo marin BBC-da ka sii daayey, taas oo illaa imika loo arko colaadda shacabka iyo Telesom ka dhex abuurantay inay tahay hadalkaasi.

Sida laga wada warqabana sidii ay TELESOM doonaysay ayey u dhacday awoodii, waayo TELESOM maanta iyada ka miisaaniyad weyn dawladda, waxaanay taladda wadanka ku leedahay saamayn weyn, waxaanay maalgalisay oo ay qurxisay  guriga madaxtooyada wakhtigiii xisbiga KULMIYE guulaystay ee madaxweyne Siilaanyo taladda la wareegay, ujeedadda ugu weyn ee ay ka lahayd maalgalintaas madaxtooyadda waxay ahayd in arrimaheeda laga hor iman,isla markaana danaheega loo fududeeyo.

Waxyaalaha ugu cajiibsan ee dadweynuhuna la yaaban yihiin waxa weeyi amar madaxweyne ayey shirkad yar ka hor timid oo waliba taydii hirgashay, waa wax laga yakhyakhsoodo.

Marka madaxweynuhu doonayo inuu sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagteena wax ka qabto oo talaabadii kowaad ee uu soo saarayna ay TELESOM ka hortimdi waxa ku cadaynaysaa in awoodda ugu badan ee dalkan ay leeyihiin shirkadaha lacagta badan ka hela shacabka masaakiinta ah.

Maxa keenay in TELESOM ka hor timaado qaraarkii madaxweynaha

Qaraarka madaxweynuhu kaliya TELESOM oo kaliya kuma koobnayn ee waxa qaraar laga soo saaray lacagta E-DAHABKA, Sarifkii Dahabshiil ku lahayd Baanka dhexe oo la xidhay,  Omaar oo isna laga joojiyey Sarifkiisii uu faa’iidada ugu badan ka heli jiray, hadaba maxa TELESOM ku koobay inay ka hor timaado maadaama oo shirkaddu kaligeed ku koobnayn qaraarkaasi.

Shirkadahan kale ee sida TELESOM qaraarka laga soo saaray waxa iska leh muwaadiniin reer Somalialnd ah, haseyeeshee TELESOM waxa aasaasay oo Saamaiga (Share) ugu badana leh Ina JImcaale oo reer Xamar ah, sidaas darteed nin aan wadanka u dhalan waxba kama galin wixii saamayn ku leh wadanka.

Waxa kale oo iyana jirta mar hadaan Zaadkii la joojin ee boqol doolar wixii ka yar la joojyey si tayo loogu yeelo Shilingkeena dadkuna u isticmaalaan maxay uga hor imanaysa telesom tayeynta shilingkeena, halkaasi waxa ka soo baxay su’aallo badan, Waddan ma jiro lacag wadan kale lagu dhex isticmaalo, haddii wakhtigii dawladnimadeenu jilicda sanayd lacag kastaba la istimcaali jiray imika dawladnimadeenu way kortay, sidaas darteed cidna laga yeeli maayo in shilling Somaliland wax aan ahayn lagu isticmaalo wadankeena, cidii diidana iyada cirka roob ku og.

Talaabadaasi madaxweynuhu ku dhaqaaqay waxay ahayd mid shacabku soo dhoweeyeen,isla markaana lagu taageero, wali ma arag sida arrintaasi loo taageeray iyadoo wax kale loo taageeray, madaxweynuhu amaan badan ayuu ka helay ka hor intii aanay TELESOM ka adkaan.

Amarkaasi madaxweynaha ee ay ka hor timid shirkada TELESOM waxay bulshada dhexdeeda ka dhalisay arrin muran weyn dhalisay iyo in loo arko inay awoodii dawladnimo is barbar dhigayso, Hore looma arag shirkad ganacsi oo ka hor timaada arrin qaran, si kale haddii aan u yidhaahdo arrin lagu xalinayo qiimo dhaca lacagteena  in shirkad ka hor timaado ceeb weyn bay ahayd, waxaana abuurtay in dadweynuhu il gaar ah ku qabtaan Shirkadda TELESOM, waxaanay isku soo jeedisay indhihii shacab weynaha oo haddii aad dadka waraysato sida u arkaan talaabadii TELESOM kaga hor timid qararkii madaxweynaha waxay ku tusaysaa colaadda ay dadku u qabaan, waayo shacabkeenu waa mid dawladnimadda jecel, waxaanay wax walba ka horaysiiyaan ilaalinta dawladnimadeena, marka haddii aad qiimayn ku samayso amarkii madaxweynaha ka hor iyo imika waxaad arkaysa in wixii ka dambeeyey amarkii madaxweynaha ee ay ka hor timid dadweynuhu aad bay u dhaliilaan.

Maalin dhow waxa iman doonta inay qaraaro kale oo sidan oo kale ah ama cashuuraha laga qaado ka hor timaado, waayo mar haddii ay talaabadii horeba u fushay ay wax kale u fulin doonto, maadaama oo hadda isku awood yihiin dawlada iyo TELESOM.

LA SOCO Qaybo kale oo taxanne ah oo ka hadlaysa awood maroorsiga iyo dhibaatooyinka shacabka u gaystaan shirkadaha ganacsiga ee TELESOM ka mid tahay.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network