WAA KUMA MULKIILAHA EX-ALBARAKAAT (TELESOM,GOLIS IYO HORMUUD).Qoraalo Taxane Ah Qaybtii 2aad.

Ahmed Nuur Ali Jim’ale oo Somali ah, ku dhashay Ceelbuur sannadkii 1954, haystana dhalashada DJibouti leh Passport: A0181988 (Somalia), isla markaana dhacay 23-kii January 2011,ka dibna dib loogu cusboonaysiiyay.ayaa waxaynu Qormadeennan Labbaad ku soo Qaadan doonnaa Maqaal uu ka Qoray Maamulka Websiteka Newsomali2 Oo ka jira Muqdisho Soomaaliya. Qaybtan oo ah Dadka dhliila Shaqsiyada iyo shirkadaha inna Jimcaale.s Waxaan Mawduuc walba oo uu ka Hadlo Raacin Doonnaa Faahfaahin la xidhiidha mawduucaasi.Waxaanu ku Bilaabay Weriyuhu Qoraalkiisaa sidan:

“Maamul baahan, Askar baahan iyo shacab baahan maxay keeni karaan haddiiba gacanta u geleen ganacsato ka taajirtay burburka dalka iyo inay la shaqeeyan kooxaha maafiyada ah oo ay ka mid tahay shabaabka soomaaliya.ffgghhhh

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale waxaa uu ka mid yahay ragga ka taajiray burburka Soomaaliya

Golaha Wasiirada ilaa iyo xubnaha Baarlamaanka waxay isku dhiibeen ganacsade taajir ah oo astaanta gaduudan saaran waa Milkiilaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Ex Barakaat Axmed Nuur Jimcaale.

Mr Jimcaale waa maalgeliyaha Al shabaab iyo kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, isaga ayaana abuuray inta badan kooxaha mayalka adag al shabaab.

Shirkaddiisa Isgaarsiinta meelna ugama banaan inay ka shaqeeyan dadka kale ee bulshada rayidka ah, Dumarka waxay ku kooban yihiin nadaafada Xafiisyada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxa ku teedsan rag wada gar weyn oo dhamaantood xiriir la leh al shabaab iyo kooxo kale oo Islaamiyiin noocyo kala duwan leh”.Wuxuu halkan Weriyuhu inoogu sheegay inuu faro galin ku leeyahay sheekhu Golaha Wasiiradda iyo Qaybaha kale ee Dawladda Soomaaliya Taasi ayaa ah mid Caddayn u ah sida Bilaa Xishoodka ah ee Maamulka Shirkaddaha Inna JIMcaale iyo ISAGUBA ugu Lugleeyihiin Maamulada ay Shirkadihiisu ka Hawlgalaan oo dhan,Waxaanay Warar Hoose oo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inay Soo Magacaabistii Raysal WASAARE KHAYRE ee hadda Xafiiska Raysal Wasaarenimo Jooggaa uu Imaanshihiisa Lug ku lahaa Ganacsade inna Jimcaale si danahiisa Qarsoon ee uu ka dhexwato Xukuumadaha dhasha ay halkiisa uga sii socdaan kuwaas oo ah soo Qaadista lacagaha kala duwan ee looyabooho dawladda Soomaaliya kuwaas oo uu Badankooda lunsado sida Aynu ku arki doonno Qormooyinkeena danbe.Ganacsadahan iska leh shirkadaha Teleson,Hormuud iyo Golis Axmed nuur Cali jimcaale iyo Raysal Wasaare Khayre ayaa ka soo wada jeedda Magaalada Ceel-buur.

Qaybta Labbaad ee Qoraalka Weriyuhu uu ka Qoray Wuxuu innoo sheegay sifada shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha sheekha oo uu ku sheegay kuwo Gadhwayn,Gadhku maaha sifo la isku dhaleecayn karo waayo waa Astaan ka mida SUNNAHA RASUULKEENNII SUUBANAA,Balse kan ay labaxeen ayaa ah Gadh HUNGURI ama Yaa Bakhaar ii dhiibta kan loo yaqaan,Waxa kale oo uu Qoraalku ku sii Daray inay Kooban tahay Kaalinta ay Dumarku ku Leeyihiin ka Shaqaynta Shirkaddahan Inna Jimcaale,Balse Tani ayaa ah mid meel ka dhaca oo aan loo baahnayn in la sheeg sheego waayo, QOFkastaa wuxuu Xaq u leeyahay inuu ciddii uu Doonno uu Shaqooyinkiisa u Qoran karo Rag IYO Dumarba.

 

Qoraagu isaga oo Qoraalkiisa sii Wata Waxuu ku Yidhi:

 

“Ragga Saamiga ku leh Hormuud dhamaan waa wada taajir cid canshuurta ma laha, mana ogola inay Soomaaliya yeelato Dowlad awood leh.

Isgaarsiinta ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta waa Hormuud, Waxay adeegsataa furihii dalka sida 002521, Haddana ma ogola in saamigii Dowladda ay bixiso”.

wuxuu halkan ku sheegay inaanay ogolayn inay bixiyaan cashuuraha ku waajibay waa mid sax ah oo ma jirto Maamulada kala duwan ee shirkaddaha sheekhani ka hawlgalaan mid kaliya oo ka Qaada ama ay siiyaan Cashuurtii ku waajibtay.

 

“Shabaabka, Dowladda iyo Maamulada kale ee dalka isku haysta dhamaan waxay siisaa laaluush waxayna mid walba jeebka u gelisa telefoono free ah iyo lacag kaash ah.

Laaluushka Axmed Nuur Jimcaale iyo kooxdiisa hadda waxaa uu gaaray in Golihii Wasiirada dalka ay ka doodan Maslaxada Axmed Nuur Jimcaale intii ay ka doodi lahaayan dhibaatada nabadgalyo xumo iyo sababaha shirkadaha ajanabiga u xirayan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho oo dhegaxan waa weyn lagu xiray.

Waxaa la yaab leh Golihii Wasiirada shaqadii qaranka waxay ka door bideen danta Ganacsadaha burburka iyo dhibaatada ka faa’idey ee Axmed Nuur Jimcaale”.

Waxaa naga xasuusin ah in Qoraalka laga Qoray Wakhti aan imika ahayn,waase mid ilaa hadda khuseeya oo ay wax ka jiraan waxyaabahaas uu sheegayo badidoodu.

 

“Dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay waxaa laga gudboon inay ka fiirsadan haddiiba ay dhacdo in Axmed Nuur Jimcaale xayiraada laga qaado waayo ninkan waxaa uu xiriir la leeyahay shabaabka iyo kooxaha islaamiyiinta hubeysan, Maafiyada Siyaasadda ilaa iyo burcad badeeda dhamaan aad ayuu u maal geliyaa sidaas darteed in laga xayiro umadda waa wax aad u wanaagsan isla markaana laga xayiro safarada dibadda iyo lacagaha dibadda u taala oo Dubai iyo Jabuuti ay ka mid tahay meelaha lacagihiisa laga heli karo”

Wuxuu halkan Qoraagu ku Goodiyey in lacagta sheekha ka xayirnayd aan xayiraada laga qaadin,Waa intaan xayiraada laga Qaadine Taasi oo uu u Arko inay tahay mid Qalada isaga oo Sobobeeyay balse Sabobta ayaanu Raacin Wax Caddayn ah,Waxase uu xagga danbe inoogu sheegayaa caddayn ay Qaramada Midoobay Diyaarisay weaxaanu Qoraalkiisii ku Yidhi:

.

“War qoraal oo soo baxay 17 February , 2012 aya lagu shaaciye Page UN- waxaana lasheegay 751, 1992 iyo 1997,2009 isla markaanay ay so diyaariyeen gudiga Q,M u qaabilsan arrimaha cuna qabateynta hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea waxaa lagu sheegay in la xanibay hantida ganacsade Axmed-Nuur Cali Jimcaale oo ay warbixintu xustay inuu ka mid ahaa raggii hormuudka u ahaa aas aasidii golihii midawga Maxkamadaha

Ganacsatada aaya lasheegay in lacago farabadan ugu deeqay kooxda shabaab waxaan lashegay in tageero toos oo siiyo wadaadka mayalka adag ee Xasan Dahir aweys oo kujiro liiska argagixisada caalamka waxaana lagu sheegay in aan safar danbe ubixi doonin ganacsadaan isla markaa laxanibay lacagihiisa.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo horey mareykanku ay uga xireen bankigii Al Barakaat balse markii dambe dhisay shirkada Hormuud waxaa ay QM sheegtay in uu wato baasboor dshacay 23,kii bishii January ee sanadkii 2011.”Caddaymahan ayaanu inoogu caddeeyay sobobihii Looga xayiray sheekha Lacagta,Waxayse iswaydiintu tahay Maxay Ahayd Sobobtii Haddana looga Qaaday Xayiraadaa sheekha Inna Jimcaale iyo Lacagtiisii EX-ALBARAKAAT ka Xanibnayd?.Waxaan su,aashan iyo kuwo kaleba kaga Jawaabi Doonnaa Qormooyinkeenna Danbe ee la Socod Wanaagsan…………………………

 

 

W/Q:C/NAASIR  GUREY 

HARGEYSA/SOMALILAND

GABILEY NEWS  STAFF.