Walaaca Ka Taagan Amar Uu Madaxweyne Siilaanyo Saddex Biloodkii Dhamaaday Mushaharkii Kaga Xanibay Shaqaale Dawladeed iyo Dhibaatadii Loo Hakiyey oo Wali Taagan.

Hargeisa(GNN):-Boqolaal shaqaale ah oo ka tirsan Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawladda Somaliland oo iskugu jiray kuwo muddo dheer ahaa hawlwadeenno aan rasmi ahayn iyo qaar sannadkan uun la qoray, ayaa  rajadii ay ka qabeen inay noqdaan shaqaale joogto ahi mugdi gashay, Markii Madaxweyne Siilaanyo uu  horaantii Bishii January ee la soo dhaafay soo saaray amar uu muddo saddex bilood ah ku xanibay mushaharkii shaqaalahaasi qaadan lahaayeen bilaha Janaury, Febaruary iyo March.

Amarka lagu hakiyay mushaharka shaqaalahani, wuxuu ku lammaanaa wareegtadii madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray xakamaynta sicir-bararka ee qoddobadii wareegtadaasi xambaarsanayd  ayaanay  waxba ka fulin. Marka laga reebo mushaharka shaqaalaha la joojiyay.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu wakhtigaas faray Wasaaradda Maaliyadda inay hakiso mushaharooyinka shaqaalahan  saddex biloodkii hore ee sannadkan, iyadoo  uu u balanqaaday in shaqaalahaas  saddexdooda bilood oo wada socda ay heli doonaan markay dhammaato bishii March ee la soo dhaafay.

Ma jiro qoraal madaxweynuhu soo saaray oo uu  ku sii daayay mushaharka shaqaalahaas cusub, iyadoo mushaharkii ay biishan lahaayeen shaqaalahani uu u xayiran yahay  amarkii ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, walina ma muuqato ifafaale shaqaalahani ay rejo dhow  ka qabaan inay muddo kooban ku helaan lacagta bilaha ka maqan ee  madaxweynuhu xanibay,  xilli uu doonayay inuu tirtiro sicir-bararka iyo sarrif-bararka is barkan ee ka jirta wadanka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay halka doolar lagu kala sarifanayay qiime ku dhow (9000 SL Sh), arrintan  oo hal bacaad lagu lisay ka dhigay go’aankii madaxweynuhu nidarka ku maray in aan la dhaafin sarrifka halka doolar (7000 SL Sh).

Qaar ka mid ah shaqaalahan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, ayaa shabakada Hadhwanaagnews, u sheegay in himiladoodii ay ku naawilayeen muddada dheer inay noqdaan shaqaale rasmi ah ay hadda u muuqato mid jar ka sii ka sii dhacaysa. Iyadoo Wasiirradii wasaaradihii ay ka tirsanaayeenna ay ka baqdeen inay Madaxweynaha ku noqdaan oo ka dhaadhiciyaan inuu dib u fasaxo lacagta shaqaalahan oo ku jirta  miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee 2017-ka.

GUNAANAD:

Waxa jiray dad yaqiinsan  in mustaqbalkii ay ka qabeen inay shaqaale joogto ah noqdaan ay ku xeeran yihiin caqabado muddo qaadan kara in laga gudbo. Waxay qabaa in mushaharkaas la hakiyay uu ahaa shirqool sumcad xumo u soo jiidaya madaxweynaha oo si aan si sax ahayn looga saxeexay xilli habeenimo ah iyadoo aan wax tixgelin ah la siinin baahida shaqaalaha iyo qoysaska ku tiirsani ay u qabaan saddexdaas bilood ee ay ka qatanaayeen lacagtii miisaaniyadda loogu daray.

Ugu dambayn  waxa ayaan darro ah in madaxweyne dhaqaale yahan ahi uu ku fashilmo inuu xakameeyo sicir bararka iyo sarif bararka is biirsaday ee muddo dheer ku habsaday shacbiga danyarta ah oo haatan ka rejo dhigay inay rumaystaan go’aamada afka baarkiisa noqday ee Madaxweyne Siilaanyo uu soo saaro haddana ay ku dhammaada niyad xumo shacbiga ku rida inay ka quustaan dawladooda.