Wasiir Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Safarka Farmaajo Uu Ku Tagey Dalka Imaaraadka Iyo Shirka London Ka Dhacaya Oo Somaliland Aanay Ka Qayb Galayn

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Africa ayaa waxa uu waraysigu u dhacay sida tan

Su’aal:-Madaxwaynaha Somaliya wuxuu socdaal ku tagey Imaaraadka Carabta markaas mala odhan karaa saamayn ayuu safarkaasi ku yeelan karaa heshiiskii saldhiga Milateri oo dawlada Imaaraadka uu kala hadlay?

Jawaab:-Madaxwaynaha Somaliya dantiisa iyo danta dalkiisa ayuu u tagey Imaaraadka,laakiin arrimaha Somaliland umuu tagin,Somaliland-na ma xukumo kama taliyo madaxwaynena kama aha,Hesiiska Saldhigana waxa wada galay Somaliland iyo Imaaraadka  ee may wada galin Somaliya iyo Imaaraadku,markaas habayaraatee wax saamayn ah oo safarkiisu inagu yeelan karaa ma jirto.

Su’aal:-Shirka ka dhici doona Bisha dambe London waxa la sheegay in aanay Somaliland ka qayb galayn sababtana waxa lagu sheegay doorashooyinkan dib u dhacay markaas maxaa arrintaasi ka jira?

Jawaab:- Horta shirkani maaha shir inaga ina khuseeya maaha shir Somaliland u gaar ah ee waa shir Somaliya u gaar ah,waxaanuu daba socdaa oo uu shan ku yahay afar shir oo hore oo Somaliya loo qabtay oo danaha iyo arrimaha somaliya lagaga hadlayey,Somaliland shirkaasi kamay qayb galin,kanna ka qayb gali mayso,laakiin marnaba lama odhan karo arrimo Doorashooyinkeena khuseeya ayaa keenay in laga saaro Somaliland shirkan.

Su’aal:-Marar badan bay doorashooyinkii dib u dhaceen in badana beesha caalamku way ka biyo diideen wayna ka digeen doorashooyinkaas mala odhan karaa Xidhiidhkii Somaliland la lahayd Caalamka wuu sii xumaaday?

Jawaab:- Doorashooyinka dib u dhacaya sabab la’aan umay dhicin oo sabbao ayaa keenay caalamkuna wuu qirsan yahay wuuna og yahay waana dhab in niyad jab keenayso doorashooyinkan dib u dhacay ,laakiin xaqiiqada ayaa ah inaynu mar walba jecel nahay in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan laakiin waxa is badel ah oo ku yimi xidhiidhka inoo dhaxeeya Caalamka ma jiraan xidhiidh iyo macaamiil wanaagsan ayaynu leenahay ,waxaanu jecel nahay mar walba in Somaliland wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay wadamada jaarka iyo wadamada kale ee caalamka,sababta oo ah waxaynu inagu caalamka ka iibsanaynaa sidii aynu caalamka uga heli lahayn aqoonsi caalamiya iminkaba waxa dhab ah in caalamku uu inoola macaamilo sidii dal madaama aynu biixinay shuruudihii looga baahnaa dal,waxaynu se marti uga nahay caalamka aqoonsi.

Su’aal:-Waxa dhab ah in Saddexda xisbi ay isla qaateen in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo madaama ay abaaro dalka ka jiraan,markaas Beesha Calamka gaar ahaan wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka ma ku qanciseen in dalka ay abaaro ka jiraan?

Jawaab:-Waa run oo marii horeba xisbiyada ayaa isku yimid oo isla qaatay In aan wakhtigan doorasho lagu qaban Karin,waxaana xaqiiqo ah in Bishii Saddexaad ee aynu soo dhaafnay aan dalka doorasho laga qaban kareen madaama oo ay abaari jirto  dadkiina goobihii ay iska diiwaangaliyeen ka hayaameen ,xisbiyaduna intii ay doorasho gali lahaayeen waxay ka door bideen in dadkooda ay u naxaan guurtiduna go’aan fiican bay ka qaadatay,waxaana xaqiiqo ah in dadaal xoogan iyo Juhdi fara badan aanu galinay in aanu caalamka gaadhsiino abaaraha  dalka ka jira ,waxaanu u dadaalnay si aanay u dadaalin dawlaha la aqoonsan yahay.Cid walba way og tahay abaarta jirta,roobkii la filayey inuu Bishan da’ana wali muu da’in laakiin mar walba Alle ayaynu barinaa “

Su’aal:-Waxa la hadal hayaa in Baarlamaanka Somaliya ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiska Saldhiga Milatyer ee aad la gasheen Imaaraadka maxaad kala socotaa?

Jawaab:-Saldhigani waxa uu u yaalaa Somaliland ee Somaliya uma yaalo martina ugama nihin baarlamaanka Somaliyana Bilaash ayey u xiiqsan yihiin.