Waxaa ururka samafalka ee Himilo Action Group (HAG) deeq lacageed soo gaadhsiiyay qoysaskii miinada caruurtoodu ku qaraxday

Waxaa ururka samafalka ee Himilo Action Group oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (HAG)  deeq lacageed soo gaadhsiiyay qoysaskii miinada caruurtoodu ku qaraxday dhawaan oo qaarkoodna dhinteen, qaarna ay dhawaac halis ku jiraan. Waxay sidoo kale ururkan deeq lacageed soo gaadhsiiyeen qoys aad u jilicsan oo ilma yare ka xanuusanayo maskaxda oo silsilad ku xidhnaa, oo waalidkii dhalayna dhawaan geeryooday.
Deeqdan oo ay ururkan samafalka ahi ugu talo galeen inay qoysaskan dhibaataysan kaga qayb qaataan daawaynta ubadadaa xanuusanaya ee iskugu jira xanuun maskaxeed iyo xanuuno jidhka ah oo ka dhashay dhawrkaa caruurta ah ee miinadu ku qaraxday, iyadoo qoysaskay ka soo jeedaan yihiin qoysas sabool ah oo taageero u baahan

Ugu danbayntii waxaa xusid mudan in ururka Himilo Action Group oo xaruuntiisu  Hargeysa tahay, u taagan yahay daryeelka iyo caawinta dadka jilicsan ee u baahan kaalmo kaas oo dhawr jeer oo horena dad jilicsan taageero u soo fidiyay.

Miino kula qaraxday1

 

Logs1