Daawo-Masuuliyiinta Ugu Sareeya Shirkada Laydhka Ee Sompower Ayaa Waxaba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Sheegaya In Kooto Loogu Xidhay Laydhka

“Waxanu diyaar u nahay in aanu u hogaansano shuruucda dalka u taala sompawer wax kooto kooto loogu xidhayna majirto” …..Gudoomiye ku xigeenka sompawer

Hargaysa(GNN):-Masuuliyiinta Ugu sareeya shirkada sompower ayaa dhinac iskaga leexiye eedo ay usoo jeediyeen qaar kamida  shirkadaha kale ee ka sheqeeya adeega laydhka .masuuliyiintan oo shirjaraaid xafiiskooda ku qabtay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka shirkada sompower isaga oo ku dheeraaday marxaladihii kalduwanaa ee ay soo martay shirkada sompower waxaanu yidhi:-“horta Shirkada sompawer waxay ka koobantahay 34 shirkadood oo isku tagay waana shirkadihii laydhka ka bilaabay magaalada hargaysa ee shidi jiray xaafadaha kala duwan ee magaalada hargeysa oo iskood iskugu tagay ujeedada ay shirkada sompower isugu biirtay maaha in cid gaara loo xidho adeega laydhka ama bulashada lagu cuna qabateeyo ee waxa la iskugu biiray in cududa caqliga iyo cuudkaba la isku geeyo si ay bulshadu u hesho laydh tayo leh,nabad galyo leh oo qiimo jaban leh”.Jaamac Xaaji Maxmuud gudoomiye Kuxigeenka Shirkada Sompawer oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalada suuqa la isla dhex marayo ee odhanaya inaanu Caqabad ku nahay ganacsiga Xorta ah,

Waxaana hadii aanu nahay 34 shirkadood ee ku midoobay adeegan inay bulshada siiyaan aan marwalba u hogaansanahay qorshaha iyo kala xadaynta ay noo kala sameysay wasaarada macdanta iyo Tamarta Somaliland Taas Oo Sharciyada iyo La Socodka Goobaha Shirkadu Ku Kala Qaybsamaan iyadu Kala Xadaysa Kana Shaqaysa.

Sidoo Kale Waxaa Iyagu Halkaasi Ka Hadlay Masuuliyiin Ka Mid Ah Boardka Sare Ee Shirkada Ama Gudida Agaasinka Ee Shirkada Sompower Oo kala Ahaa

Sudaan Shariif Batuun oo Ahaa Ninkii ugu Horeeyey Magaalada Burco Ka Aaasaasay Shirkad Laydh Kana Bilaabay

Maxamed Ibraahim Kaahi (fuyuus) oo isaguna Ka Mid Gudida sare ee Shirkada Hore uga Midka ahaa Ragii hargeisa Ku lahaa Shirkadaha Gaarka ah.

Xassan Axmed Xuseen (Bulbul)  Oo kamid Ah Boardka

Eng Cabdi Cali Barkhad  iyo

Eng Maxamed Saleebaan (Turkey) oo kamid ah Dadka Aqoonta u leh Arrimaha laydhka.

Masuuliyiintan Ayaa Haddaba Ku Dheeraaday  In Shirkada Sompower Oo Ah Shirkad Shaqsiyaad Iskood Isku Xilqaamay oo isku Tagay  Ku Midoobeen Dawlada Iyo Haayadahii ku Shaqada Lahaana Sharciyada Iyo qawaaniinta Ay u Dajisay u hogaansamay Ayaa Iska Daba maray inaanay habayaraatee Shirkadani Ahayn Mid Lagu Eedeeyo In Cid gaar Ah Kooto loogu Xidhayo ama Laga Leeyahay Ujeedo Kale.

Waxaanay Sheegeen In Aaney Cidna Ama Shirkad Kale Ka Aqbalidoonin In Ay Ku Eedeeyaan Ama ku Suuqa Kula Wareegaan in Cid gaara Loo Xidhay laydhkii Magaalada hargeisa,

Waxaana Ay usoo jeediyeen In Shirkadaha kale ee Kula Jira Tartanka Aanu Ahayn Laydhku Wax ganacsi laga Dayo Lagu Tartamo oo Yahay Khatar in si Foojigan Layskagaga Xilsaaro Ay Munaasab tahay. Sidaa Darteedna Ay Soo dhawaynayaan Cid kasta Oo Doonaysa Inay Wax Ku Darsato Shirkadan Sompower.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKAN WARKAN.