Xaalad Cakiran OO Buuhoodle Ka Taagan,Saraakiil Ciidan Oo Maamulka Puntland Ka Tirsan Oo Ku Sugan iyo Laba Diyaaradood Oo Siday Mucaawimo Oo Laga Hor Istagaay Inay Soo Dagaan Iyo Dareenada Ku Xeeran

Waxaana xogo nasoo gaadhayaa isla markaana naga soo gaadhaya ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in Buuhoodle ay xalay soo gaadheen saraakiil ciidan oo ka socda Maamulka Puntland kuwaas oo dhuumasho kusoo galay isla markaana aan ilaa hadda la garanayn ujeedada socdaalkooda balse waxa xoguhu iftiiminayaan in lala xidhiidhinayo inay kulamo la qaataan saraakiishani ciidamadii Maleeshiyaadka ahaa ee dhawaan waftigii horjooge Cali Khaliif Galaydh ee ka qayb galay wada hadaladii Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ka hor istaagay inay kasoo dagaan kana dhoofaan garoonka diyaaradaha Buuhoodle.Sidoo kalena waxa shalay ay maamulka Puntland is hor istaageen laba diyaaradood oo siday mucaawimooyin kala ah raashin iyo dawooyin kuwaas oo kasoo duulayey magaalada Muqdisho,waxaana ay ku wargeliyeen in aan caawimooyinkaa la gayn Karin Buuhoodle ilaa lasoo mariyo Garoowe taas oo sababtay in ay hakad galaan labadaasi diyaaradood.

Sidoo kale waxa iyaguna gudaha Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran ku sugan ciidamada qaranka Somaliland kuwaas oo sugaya amaanka deegaanada,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi ay xiisad dagaal ka qaraxdo.

Gagabadiina masuuliyiinta dawlada Somaliland gaar ahaana wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Ayaan iyagu ka hadal faragalintan qaawan ee ay deegaanada Somaliland ku hayaan maamulka Puntland iyo Xukuumadda Xamar .