Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socday Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxda Wadatay Dalka Laga Saaro Iyo Arrimaha Lagu Haysto

Kooxdan oo kasoo kicintay Yurub kana kooban dhawr qof oo mid kamid ahi u dhashay Somaliland,Dhawr kalena u dhasheen Somaliya iyo gabadh Ajaanib ah ayaa Hargeysa yimid toddobaadkan waxaanay 16 April ku qabteen Siminaar ku saabsan Caafimaadka,waxaana Siminaarka furey wasiir ku xigeenka Caafiamaadka Xasan Daahir Dhimbiil.

Hase’yeeshee wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa shalay si kadis ah u joojyey siminaarkaasi oo ku qabsoomay mid kamid ah hudheelada Hargeysa,waxaana wasaaradda Qorshaynta Qaranku joojinta siminaarkaasi ku xidhiidhisay inaanay kooxdani wax ogolaansho ah usoo qaadan Siminaarkani isla markaana aanay wasaaradda ka haysan sharciyadd urur .

Sirdoonka qaranka ayaa amar ku bixiyey in kooxdaasi si deg deg ah dalka looga saaro,iyaga oo raacaya ogolaansho la’aanta wasaaradda Qorshaynta isla markaana aaaminsan in hadalo kooxdan laug hayaa halis ku yihiin amaanka qaranka Somaliland.

Kooxdan ayaa markii ay Yurub ka soo baxayeen waxay iska so duubeen muuqaal ay ku baahiyeen baraha ay bulshadu ku kulanyo,waxaana ay sheegeen inay tagayaan dalkii hooyo ee Somaliya,iyaga oo kusoo jeeda caasimada Hargeysa ee jamhuuriyadda Somaliland mid kamid ah oo u dhashay dalka Somaliya ayaa yidhi

“Waxaanu u soconaa safar wadankii ah mashruuca hiil hooyo oo laga fuulin doono wadanka oo dhan,waqooyiga somaliya oo dhan haday noqon lahayd Hargeysa,Laascaanood iyo Garoowe intaba”sidaas ayuu yidhi, waxaana uu intaasi raaciyey “Mashruucan waxa ku deeqday wasaaradda Arrimaha dibada Filand loona ogolaaday saddex NGO oo somali ah oo FIland ku nool anagu waxaanu nahay waftigii labaad ee baxaya”

Hadaladan ay iska soo duubeen e ay Hargesa iyo Laacaanood ku sheegeen inay tagayaan qayb kamid ah Somaliya oo ah waqooyiga Somaliya ayaa algu xidhiidhinayaa joojinta Siminaarkooda iyo amarka mustaafurin tooda.