BAAQ Ku Wajahan Gudida Dhaqanka ee Beesha Cabdiraxmaan-Sacad

Khilaafka Doorashada SuldaankCusub ee Beesha Adaraxmaan Sacad

 

Bismillaah,

Ku:Wasaarada Arimaha Gudaha

Waxa Mahad iska leh alle inna abuurtay, waxana naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ahaatey rasuulkeenna suubban ee Muhammad (s.a.w).

 

Waxa beryahanba socday khilaaf iyo loollan ay dad gaar ahi isku deyayaan in ay ku kala kexeeyaan beesha adaraxmaan Sacad. Kuwaas oo danahooda gaarka ah iyagoo eegaya iyo inay arrintu sidooda u dhacdo awgeed geliyeybeesha Khalkhal weyn oo aan Meesha looga baahnayn.

 

Waxa muddaba socday wadahadal beesha dhexdeeda oo laga tashanayay arrinta Suldaannimada ee reerka kadib geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Jaamac Cismaan. Waxa iyadoo wadahadalkii socdo la baal marey wadahadalkii iyadoo laba dhinac ay arrintu u kala jabtey.

Waxa arrintu gaadhay in laba suldaan la caleemo saaro iyadoo labadaas midkoodna aan loo dhammeyn ee ay jujuubayeen niman dano gaarah wata oo beesha gudaheeda iyo dad aan ahayn beeshaba.

Waxay arrintu 30kii abril 2017 soo gaadhay in la xidho mid ka mid ah labadaa dhalinyaro ee suldaannimada lagu loollansiinayo iyadoo sii kicisay khilaafkan.

Waxa haddaba shirar telefoon oo aan ku lafagurnay arrintan aan soo saaraynaa annaga oo ah  odayaasha, culimo-udiinka, aqoonyahanka iyo wax garadka beeshan ee qaaradaha Carabaha, America iyo Yurub qaraarradan hoos ku qoran:

  1. Waxaannu beesha u sheegaynaa in arrintan meel looga soo wada jeesto oo dib loogu noqdo si degdeg ah loogu xalliyo khilaafkan.
  1. In la sii daayo wiilka xidhaneeCumar Ibrahim Muxumed kaas oo dhinac ugu magacaabeenSuldaan.
  2. Waxaannu u sheegaynaa masuuliyiinta Dawladda in arrintan guddi ka duuleysa danta beesha loo saari doono kuwaas oo baadhi doona xaqiiqada oo wareysan doona labada dhinacba iyagoo dhinacna aan raacyn.
  3. Waxaanu Dawlada ka codsaneynaa in aanay labada dhinac midna raacin oo ay ka warsugto gudigaas turxaan bixinta Adraxmaan Sacad inta ay khilaafka beesha soo afjarayaan, kuwaas oo war midaysan dib ugu soo celin doono Dawlada.
  4. Waxaannu dawladda ogeysiinaynaa in aan la aqoonsan labada dhalinyaro ee suldaannimada u baratamaya ilaa guddiga reerka oo wada jir ah ay ka dooranayaan Suldaan loo wada dhan yahay.
  5. Waxaanu si adag ula hadlaynaa Nimanka boggaga internedkak ku soo qoraaya cayda iyo waxyaalaha xumaanta kala fogeynaaya beesha inay joojiyaan dhamaan ficiladaas.

Waxa xusid mudan in arrinta Suldaannimadu ay tahay oo kaliya sharaf iyo ka shaqeynta wanaagga ee aanay aheyn munsab lagu doono magac iyo maal.

 

Wabillaahi tawfiiq

Guddiga Dhaqanka ee beesha Adaraxmaan Sacad

(North America, Europe iyo Middle East)

Maxamed Xaaji Mubaarig

Mahamed Cali Giire

Abaadir Haaji Abdi

Cabdillahi Ibrahim Cabdi-Shiil

Hasan Yonis Cabdillahi

Maxamuud Aw-Salawaad

Axmed Omar

Xuseen Omar

Saleeban Xaaji Ismaciil Bulaale

Ahmed Siciid Faarah

Ahmed Huseen Ismacil

Siciid Hassan Muuse

Khalid Ibrahim Cali

Ahmed Siciid faarah

Ibrahim Cilmi Tukaale

Mahamed Ibrahim Cali

Xuseen Mahamed Cali

Abdiqadir Macalin

Cabdi Maxamed Hugur

Yusuf Dhamac Xasan

Mustafe Dhamac Xasan

Xuseen Omar

Maxamhuud Maxamed Ali

Siciid Maxamed Cali

Khalid Maxamed Cali

Sayid Ismaaciil

Cabdiraxmaan Suldaan

Dahir Ismail Mohamed

Mohamed Deeq Bashiir