Ciidamada Booliiska S/land Iyo kuwa Ajaanib Ah Oo Xalay Labaatan Hablood Oo Qurba-Jooga Ah Kala baxay Iskuul Boodhan, Oy Waxku Baran Jireen Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

Muxuu Dastuurka S/land Ka Qabaa Talaabada Ciidamada Booliiska S/land Oo Kaashanaya Ciidamo Ajaanib Ah Xalay Kula Baxeen Labaatan Hablood Oo Qurba-Jooga Ah Iskuul Boodhan Habeenkii La Seexdo Oo Lagu Barto Dhaqanka Iyo Diinta Islaamka?

Qodobka 35 aad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land, Isu celinta Eedaysanayaasha ama Danbiilayaasha iyo magan galinta Siyaasadeed Faqradiisa Labaad .

2:  Ma Banaana in Muwaadinka Soomaaliland loo dhiibo Dawlad Shisheeye ah .

Hargeysa(GNN):-Warar ka soo baxaya qaar ka mid ah Waalidiinta Labaatan Hablood oo ay xalay Ciidamo Booliis ahi kala baxeen iskuul kuwa la seexdo ah ayaa sheegaya in hablahoodii ay la yihiin, isla markaana ay haystaan ajaanib la socotay Ciidamadaas, sida ay ku doodeen waalidiin ka gaabsaday in magacyadooda la sheego.

BREAKIN-NEWSes

Wararka  Laga ay  helayo dhacdan iyo  Waalidiintaas ayaa sheegaya in habeen hore Maqribkii Hablooda lagala baxay iskuulka ay dhiganayeen oo ku yaala xaafadda Jigjiga Yar, halkaas oo ay dhigtaan arday hablo ah oo ka soo laabtay Qurbaha,iyo kuwo gudaha dalka ku suganba  isla markaana lagu baro Qur’aanka iyo Axaadiista si dhaqan celin loogu sameeyo.

SIdoo kale wararkan ayaa tibaaxay in maamulkii iskuulkan loo taxabay xabsiga ,

Ilo wareedkan ayaa sheegaya in aan illaa hada la ogayn meel ay ku sugan yihiin hablahaasi, hase yeeshee xalay, illaa manta meelo kala duwan kolba la gaynayey, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in su’aalo la weydiinayo.

Waalidiinta iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna war rasmi ah kamay soo saarin arrintan, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ajaaniibta la socotay Booliiska hawl-galka fuliyey ay ku doodayaan inay Hablahan ku celinayaan dalalkii ay ka yimaadeen, halka waalidka iyo xukuumaddu-na ku doodayso Hablahan inaan dalka laga saari Karin.

Dhacdadan oo ah tii nooceeda ah ee ka dhacda dalka, waxa laga hadal hayaa sababta loo haysto inay la xidhiidho Ajaaniibta oo ku doodaysa in lagu barayey iskuulka falal Raali galinayo Shisheeyaha  hase yeeshee Waalidiinta ayaa sheegaya inay Ardaydoodani yihiin kuwa lagu barbaarinayo Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Af-ka Somaliga.

Iyadoo Dastuurka S/land Qodobkiisa 35 si cad u qeexayo Xuquuqda Eedaysanayaasha ama Danbiilayaasha iyo Magan Galinta Siyaasadeed ee Muwaadiniinta S/land ah waxay Bulshada S/land la yaaban yihiin waxaa ka hortaagan Xukuumada S/land ku dhaqanka Qodobada Dastuurka S/land ball aynu dull joogsanno Qodobka 35 ee Dastuurka S/land .

Qodobka 35 aad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land, Isu celinta Eedaysanayaasha ama Danbiilayaasha iyo magan galinta Siyaasadeed Faqradiisa Labaad .

2:  Ma Banaana in Muwaadinka Soomaaliland loo dhiibo Dawlad Shisheeye ah .

Dugisgan oo ay leeyihiin Qoys Qurbajoog ah waxa la sheegayaa inay ka Diiwaangashan yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Diinta iyo Aw-qaafta.

 

IYADOO Wargeyska Waaheen Oo  isku dayey in uu arrintan wax ka weydiiyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Amaanka, hase yeeshee way ka gaabsadeen.