Dawlada Imaaraadka Oo Somaliland Usoo Dirtay Markab Deeq Mucaawimo Ah Sida Oo Qayb Ka Ah Kasoo Kabashada Abaaraha

Wakaaladda wararka Imaaradka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in gargaarkani qayb ka yahay ololaha dawlada Imaaraadka Carabtu hore u shaacisay ee lagu caawinayo Somalida abaartu sida xun u saamaysay,kaas oo ujeedadiisu yahay damqasho bani’aadamnimo iyo in Imaaraadku isku fidinayo dalalka Dunida.Waxay ku warantay in Imaaraadku kor u qaadayo doorkiisa Kaalmada Bani’aadamnimo ee dadka Somalida ah iyo guud ahaan dunida.Gargaakan ay dawlada Imaaraadku soo gaadhsiisey Somaliland oo dhan 1,700 (Kun iyo Todoba Boqol) oo tan ayaa ka kooban cuntada aasaasiga ah oo kala ah 32,000 (Soddon iyo Laba Kun) Kiish oo Bariis ah oo midkiiba yahay 10kg (Toban Kiiloogaraam),32,000 (Soddon iyo Laba Kun) kiish oo Sonkor ah oo midkiiba yahay 5kg (Shan Kiiloogaraam) 26,667,(Labaatan Iyo Lix Kun,Lix Boqol iyo Lixdan iyo Todobo) kartoon oo Caano ah,40,000 (Afartan Kun) oo Biyo ah oo midiiba tahay 5 Litir,26,668 (Labaatan  iyo Lix Kun Lix Boqol iyo Lixdan iyo Sideed) kartoon oo Saliid ah, 1650 (Kun Lix Boqol iyo Konton) kartoon oo Timir ah ,waxaana intaasi dheer 21,697 oo isugu jira dharka Caruurta iyo Kabo dumar kuwaas oo lagu arrad tirayo dadka abaaruhu saameeyeen,

Wakaaladda WAM ayaa ku warrantay in saraakiil ka socda hay’adda gargaarka ee Imaaraadku ay dusha kala soconayso hanaanka loo qaybinayo raashinkaasi Imaaraadku ugu talo galay dadka abaaruhu caydheeyeen,waxaana raashinkaasi dadkaas dhibaataysan loo qaybin doonaa sida ugu dhakhsaha badan.