Ganacsade Maxamed Yusuf Cali Guray oo 100 kun oo Dollar ugu deeqay dadka abaaruhu ku dhufteen Somaliland.

Waxa sanadkan 18 May dabaaldegii sanadwalba la qaban jiray lagu bedelay in dadka tabaaleysan ee abaartu haleeshay ee kunool Somaliland la taakuleeyo sidaa daradeed shalay oo ku begnayd 18 May waxa mudaharaad weyn oo ka dhacay badhtamaha London ka dib kulan kale ka qabsoomay isla magaaladda London oo loogu ururinaayo qadhaan si loo gaadhsiiyo walaalaheena tabaaleysan.

Maxamed Yusuf Cali Guray waa muwaadin reer Somaliland ah xaruntiisu tahay magaaladda London,ganacsade maal galin balaadhan ku sameeyey dalka Somaliland waxa uu isaga oo ka damqanaaya dhibaatada abaaraha ugu deeqay lacagtii ugu badnayd ee qurbaha shakhsi kaliyi ka bixiyo tasoo cadadkeedu dhamaa 100 Kun oo dollar.

Waa Arin ku dayasho mudan oo u baahan in Sidan oo kale la isu takuleeyo . Isagana Allah haka abaal mariyo.IMG_3220