Golaha Deegaanka Degmada Saylac Ayaa Xilkii Ka Qaaday Maayirkii Hore Ee Magaalada Dooreyna Mid Cusub

Saylac (GNN) Kalfadhigii Maanta ee golaha Deegaanka ee Magaalada saylac ayaa xilkii lagaga qaaday Maayirkii golaha Deegaanka iyagoo Maayir cusubna u doortey Sacad Daahir Cige .

Golaha Deegaanka Saylac ayaa Cod aqlabiyada ku Doortay Maayirkan cusub iyagoo sidoo kale cod aqlabiyada xilkii kaga qaaday maayirkii Hore ee degmada .

Maayirka cusub ee la doortay ayaa hore u ahaa maayir ku xigeenkii hore ee degmadaasi isagoo wakhtigii uu xilka hayay waxbadan ka qabtay Magaalada Saylac Haddana la doortay xili ay u baahnayd magaaladu

Waxayna ay xildhibaanadu sheegeen in ay ku kalsooniyihiin maayirkan cusub ee ay doorteen oo ah nin hawl kar ah .
Gabiley News

Saylac