Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Qaadhaan Bixiyayaasha Ka Taageera Dhaqaalaha Doorashada

Hargeisa(GNN):-Guddida doorashooyinka qaranka somaliland ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay qaadhaan bixiyayaasha somaliland ka taageera doorashooyinka.

Kulankan ayaa  ku saabsanaa xog waran la xidhiidha qaabkii ay kaadh qaybinta codbixiyuhu uga dhacdaygobolada Awdal,Saaxil, Salal iyo xeebaha gobolka Sanaag.

Gudoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka somaliland Maxamuud Wacays ayaa warbixin la xidhiidha kaadh qaybinta iyo sidii ay uga qabsoontay gobolada Awdal, Saaxil, Salal iyo xeebaha gobolka Sanaag siiyey deeq qaadhaan bixiyayaasha somaliland ka taageera doorashooyinka, isaga oo sheegay in goboladaas ay hawsha qaybinta kaadhadhku uga qabsoontay sidii ay ugu tala galeen isla markaanay ay bilaabi doonaan gobolada kale ee dalka, waxaanu tilmaamay

in horu mar wanaagsan laga gaadhay goboladii loo qaybiyey kaadhadhka.

Dhinaca kale xubnihii matalayey qaadhaan bixyayaasha somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa aad u soo dhaweeyey sida ay guddida doorashadu u wadaan hawlaha kaadh qaybinta, waxaanay balan qaadeen inay taageerayaan qaabka ay haatan guddida doorashadu hawsha u wadaan.