Wasiir Xaglo Toosiye Oo Iminka Ka Hadley Aragtida Uu Ka Qabo Imaatinka Cali Khaliif Ee Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed Xaglo Toosiye

ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka Hadley imaatinka Hargeysa ee Madaxweyne Cali Khaliif

Xaglo Toosiye oo Deegan ay ka soo wada jeedan Cali Khaliif waxaa uu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo imaatinkaas isla markaana uu rabo in uu Cali dadkiisa wax la qeybsado

 “Cali Khaliif hadii aanu nahay xukuumada Somaliland wada hadal ayaa in muddo ah aannu la wadney waana aanu soo dhaweenaynaa in uu ku soo biiro dadkiisa oo waa nin odey ahe uu dadkiisa ka mid noqdo wanaaga iyo horumarka dalkana uu ka qeyb qaado ” ayuu yidhi Wasiir Xaglo Toosiye

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan