Gudoomiyaha Hay’adda Bisha Cas Oo Ka Hadlay Diyaarad Dawooyin U Siday Oo Ka Soo Degtay Berbera –

Gudoomiyaha Hay’adda Bisha Cas Oo Ka Hadlay Diyaarad Dawooyin U Siday Oo Ka Soo Degtay Berbera

Berbera(GNN):-Gudoomiyaha Guud Ee Bisha Cas Ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal, Oo Aay Whelinayaan Gudoomiyaha Bisha Cas Ee Gobolka Saaxil iyo Agaasimaha Guud Ee wasaarada Caafimaadka Ayaa Gudoomay Diyaarad Sida qalab Caafimaad iyo Dawooyin, Kuawaas Oo Aay Kusoo Deeqeen Hay,adaha Bisha Cas Ee Wadamada Kanada iyo Norway

Gudoomiayha Bisha Cas Ayaa Siwayn Ugu Mahad Naqay hawsha balaadhan Ee Mucaawimada Ah Ee labadaa Dal Soo Gaadhsiiyeen Somaliland, Oo Xiligan Meelo Kamida Uu ka Jiro Shuban Biyood Aay Abaartii Sababtay,

Gudoomiyaha Bisha Cas Ee Somaliland Sidoo Kale Wuxuu Sheegay In Magaalada Buro Lagag hawlgali Doono Qalabkan Caafimaad Maadaama ayuu Yidhi Goobaha Ugu Badan Ee Xanuunkan Lagu

Arkay Aay Yihiin Degaamadaasi Togdheer iyo Gobolka Sool,

Waxaanu Yidhi Qalab kani Intan Kuma Eeka Maalinta Bari ah ,Maanta , Waxaa Iyana Iman Dooona Gaadiid iyo Qalab Kale Oo Loogu talo galay In Gurmad Deg Deg Ah Lagu Sameeyo, , Diyaaradan Waxay Sidaa Cisbitaal Deg Deg Ah Oo Laga Taagi Doono Burco, Dhamaan Qalabkii Cisbitaal u Baahnaa Ayaa Saaran Diyaaradan, Hawshaasi waxaa Hormood ka Ahaa Ururka Bisha Cas Ee Somaliland, Waxaanan Kaashanay Wasaarada Cafimaadka ee Somaliland