Nolosha Danyarta Oo Mugdi Sii Gashay, Qiimaha Bas-raaca, Baalashka iyo Shaaha Oo Korodhay Iyo Xukuumadda Oo Daawanaysa

Hargeysa:(GNN):-Guud ahaan Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, waxa maalmihii ugu dambeeyey kor loo qaaday qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha oo markii hore waxoogaa naasilnaa, kuwaas oo ay kamid yihiin Bas-raaca, Baalashka iyo weliba shaaha la cabbo, waxana bulshadu si weyn u dareemaysaa culayska nololeed ee waqtigan soo kordhay iyo sida aanay xukuumaddu diyaarba ugu ahayn inay wax tallaabo ah qaaddo.

Qiimaha basaska iskaga kala goosho caasimadda Hargeysa lagu raaco, ayaa maalintii shalay qaarkood laga dhigay 2000,(laba kun) oo Somaliland shilling ah, iyaga oo markiii hore ahaan jirey 1500, iyada oo koobka shaaha ahna laga dhigay 1500Sshl, halka uu markii hore ka ahaa 100sshl, Baalashka kabaha ayaa isagana qiimahiisa laga dhigay 1000(kun shilin).

Goobaha suuqyada ah ee bulshadu isugu timaaddo, ayaa shalay ilaa xalay si weyn loogu hadal hayey isbeddelka xagga qiimaha ah ee waxyaabaha quutal daruuriga ah ku yimi, iyada oo ay bulshadu si weyn carrabka ugu ballaadhinayeen ficil la’aanta xukuumadda dhinaceeda iyo sida aanay danba uga lahayn dhibaabatada cusub ee soo foodsaartay danyarta.

Sidoo kale basaska dhexdooda wax aka dhacay muran iyo is qabqabsi aad u daran oo la xidhiidha korodhka lacagta, waxana iska yaraa dadka iyagu kordhinayey kirada baska, waxana ay ku doodayeen inaanay wax war ahba ka hayin in qiimaha baska la kordhiyey, isla markaana ay qiimihii hore uun ugu soo talo galeen, taas oo mulkiilayaasha basaska iyo dadka rakaabka ah muran weyn ka dhex dhalisay.

Goobaha maqaaxiyaha ah ee shaaha laga cabbo, ayaa iyaga laftooda wax aka taagan muran iyo dood adag oo lacagta cusub ee qiimaha shaaha lagu kordhiyey la xidhiidha, waxana macaamiisha badankoodu iska diidanaayeen bixinta qaddarka kordhay, halka ay jiraan dad badan oo iyagu korodhkaas la dhacsan, maadaama dhinacyada kale ee noloshuba dhammaantood hore kor ugu kaceen.

Xukuumadda amaba hay’adaha kale ee arrintan ku shaqada leh, ayaa wax tallaabo ah oo qiime kacan kula dagaallamayaan qaadin, waxana culayskaas oo dhammi uu dusha ka fuulayaa dantay nolosha hoose ku nool oo aan weli haysanin cid u doodda oo nolosheeda si toos ah u dareenta.