Noocyada Musuqsaamusuq Ee Laga Isticmaalo Somalilaland

Noocyada Musuqsaamusuq Ee Laga Isticmaalo Somalilaland

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka safka hore kaga jira isticmaalka noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa , inkasta oo dadka reer Somaliland yihiin bulsho 100% muslim ah haddana bulshadeenu kama madhna isticmaalka musuqmaasuqa , kaasi oo  lagu micneeeyo cadawga horumarka (enemy of development) , bilawgii xukuumada siilaanyo ee 2010 ayuu madaxweyne siilaanyo unkay hay’ad madax banaan oo ku magacaaban hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalkanka musuqmaasuqa , haseyeeshe waxay noqotay hay’ad fashiil ah oo aan gudan waajibaadkeedii shaqo ee horyaaley , maney jirin wakhtigaasi dheer ee ay hayadaasi magacawneyd wasaarada ama hayada dawli ah oo madax banaan oo lagu soo oogey kiis mususmaasuq iyada oo loo marayo sifaha sharciga ah , sidaas daraadeed waxaan qoraalkaygan ku eegi doonaa noocyada musuqmaasuq ee ka jira Somaliland iyo saameynta ay ku keeni karaan horumarka bulshada reer Somaliland , waxaanan ku soo koobey shan qodob oo muhiim ah oo dalkeena saameyn ba’an ku haya

  1. Musuqmaasuqa Wakhtiga

Wakhtigu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu qaalisan ee Ilaahay Ku maneysay Aadamaha ; iyada oo ummad kasta ama shaqsi kasta oo ku nool adduunka guudkiisa la siiyey saami wakhti oo isku mid ah , oo aanu Dalna Dal wax dheereyn sidoo kalana aanu shaqsina shaqsi dheereyn daqiiqad kaliya , balse ay ku xidhan tahay sida dalkasta u maamusho saacadahiisa shaqo  , Somaliland waxa inta badan madaxdu shaqeysaa wakhti kooban oo ka yar inta dastuurka dalku u jiheeyey shaqada qaranka waxaana sida caadiga wasiiraddu shaqada soo galaan sagaalka subaxnimo (9) iyaga oo xafiisyada ka rawaxa 11: 00 Duhurnimo , taasi oo wadarta shaqada saacadaha ka dhigeysa laba saacadood 2 saacadood oo kaliya , sidoo kala noqoneysa todobaadkii in wasiirku uu xafiiskiiisa fadhiyo lix saacadood (6×2) Laba iyo toban saacdood usbuuca dhan  , waxaana halkaasi ka muuqanaya dayac shaqo oo badan , iyada oo uu halkaasi ku lumayo tacab iyo wax soo saar badan oo loogu hiilin lahaa qaranka

  1. Mususmaasuqa Is Dhaafsiga Shaqaleysiinta

Somaliland wakhti badan bay kugu qaadan doontaa hadii aad tahay , arday sita shahaado jaamacadeed , ama mid dugsi sare ka baxay , waxaana taasi sabab u ah arrinta cadaalad darada ah ee lagu xusho shaqaalaha dawladda iyo kuwa shirkaddaha gaarka loo leeyahay iyada oo lagu base-gareeyo , nidaamka qabiilka iyo shaqsi jeclaysiga , waxaana iyada oo arrintaasi eexashada qorista shaqaaluhu ay jirto iyana aan meesha ka maqney arrin kale oo inagu cusub oo ah in labada wasiir ama laba agaamise guud ay is dhaafsadaan shaqsiyaad ay iyagu dano gaar ah ka wataan , iyada oo midba mid u fududeynayo shaqada ka kale

 

  1. Musmusuqmaasuqa Xatooyada Hantidda Ummada

Musuqmasuqa xatooyadda hantida qaranka oo ah musuqa ugu badan ee ka dhex jira Somaliland waxa uu  noqday mid xadhkaha goostay , waxaana dhacda xatooyo isugu jirta boob lacageed iyo hanta ma guurto ah , iyadoo badan qaar ka mida wasiiradaa Somaliland ay si qarsoodi ah , macdanta dalka ugu dhoofiyaan dalalka dibada iyada oo taasi kuu cadeyneyso  xadhigii lagula kacay wargeyska HAATUF MEDIA  oo arrintaasi dabagal ku sameeyey , sidoo kalana dhinaca musuqa dhinaca is dhaafsiga lacagaha ayaa ah mid aan qiyaas laheyn , iyada oo la iskugu gudbiyo habka casriga ah ee electronic money-ga loo yaqaano (ZAAD service) iyo E-Dahab , taasi oo sababta in shaqsiyaad gaar ah ay  gacanta ku dhigaan lacagtii adkeyd ee ummada dhexda u ahayd

 

  1. Musuqmaasiqa Sharciga Iyo Eexashada Kiisaska

Inkasta oo badhtamihii muddo xileedka madaxweyne siilaanyo uu magacaabey masuul ku suntay shaqo wanaag iyo la dagaalanka dacaalad darada , mudane Aadan xaaji cali , Haddana waxa uu garsoorka Somaliland ka noqday shaqsi kaliya , taasi oo ka dhigeysa dhibic roob ah oo bad ku dhacday , arrinta kale ee caqabada ku ah in mudane aadan uu gudo hawlgaladiisa uu ku saxayo cadaalada Somaliland ayaa ah isaga oo aan awood u laheyn in masuulka uu ku arko cadaalada darro aanu lahayen awood uuu xilka kaga qaado  , waana arrinta ugu badan ee dalka u keeni karta roob la’aan , isku dhac beelood ama shaqsiyeed oo sababa dhiig daata

 

  1. Musuqmaasuqa qandaraasyada dawladda

Somaliland waxa ka jira guddi ku magaacaban Guddida qaraasyada qaranka , taas oo uu soo magacaabo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , guddidaas oo ka kooban 7 xubnood oo leh Gudoomiye iyo kuxigeen , waxay qaranka ugu magacaaban yihiin bixinta iyo baahinta qardaraasyada dawladda  , iyada oo dadkuna dhex u yahay , haseyeeshee guddidaasi waxay noqotay guddi garab ka raran oo aan gudan Karin waajibaadkeeda shaqo iyada oo guddidu cida ay la jeclaato ay siiso qandaraaska kasta oo soo mara guddidaasi

 

Isku soo wada duuboo dhamaan musuqmaasuqyada aan kor ku soo xusey waxay sababi kartaa , Dhiig ummadeed oo daata , roob la’aan ka dhalata ,, dib u dhac ku yimaada horumarka dalka , qabyaalada oo sii korodha iyo is nacayb ka dhex dhaca dadka dhexdooda , waana arrin lagaga bixi karo in dadku isku tashado oo marka hore laga fiirsado cida lagu aaminayo masiirka Ummada iyo masuuliyadda qaranka

 

Diyaarintii iyo xog ururintii

 

Axmed Max’ed Cisman Caalin

Email: Caalin178@gmail.com160127131925_russia_corruption_dollars_640