Maxkamad ku Taal Maamulka Puntland ayaa Ku Riday xukun Dil ah Shan nin oo ka jeeda deegaanada maamulka koonfur galbeed ee Somaliya.
Shantan Nin ayaa la sheegay in ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaasina ay doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Magacyada 5- dhalinyarada ah iyo halka ay ku dhasheen
Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo.
Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye.
Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere.
Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo.
Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle.