Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inaanay Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho Furmayn Ilaa Ay Qabsoonto Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeisa(GNN):-Qaramada Midoobay ayaa aaminsan inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi karin, ilaa ay doorashada Somaliland ee madaxtooyadu qabsoonto bisha November ee sannadkan, waxaanay doonayaan inay wada hadalada bilaabmaan dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Somaliland ka dhalan doonta doorashada November, ka dib.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Michael Keating oo dhawaan khudbad ka jeediyay xarunta caalamiga ah ee Chatham House, ayaa sheegay inay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ka go’antahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, “Labadoodaba,

madaxweynayaasha Somaliya iyo Somaliland waxay si cad u sheegeen inay doonayaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya in dib loo bilaabo.” ayuu yidhi ergaygu isagoo

intaas raaciyay “Laakiin dad badan ayaa aaminsan inaanay taasi suurtogal ahayn ilaa doorashooyinka Somaliland dhacaan dhammaadka sannadkan, waana arrin qof walba soo dhawaynayo.” sidaas ayuu yidhi ergaygu.

War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii dawladda Somaliya loogu qabtay London, ayaa isna waxa ku jiray qodob dhigayay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi doonaan marka ay doorashooyionka Somaliland qabsoomaan bisha November ee sannadkan, waxaana muuqata inay beesha caalamku la soo baxday siyaasad ah inay isku xidho qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo bilowga wejiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.