Shirkado Digaaga Ee Soosaara Beedka Oo laga Hirgaliyey Somaliland Iyo Beedkii Dibeda Ka Iman Jiray Oo laga Maarmay.

Mulkiilaha Shirkadda YALDA oo faahfaahin ka bixiyey Sida ay Bulshada uga haqab-tiri karaan Helitaanka Beed Tayo leh oo ku filan

Hargeysa (GNN):-Mulkiilaha shirkadda YALDA CHICKEN HOUSE & EGG Saadiq Sh Ismaaciil Odawaa, ayaa Faahfaahin Ka bixiyay Doorka ay Ka Qaadanayaan In Bulshadu Hesho Beed Tayo Leh Oo Ku Filan, kaddib markii xukuumaddu dhawaan joojisay Beedka laga soo dhoofiyo waddamada dibadda. Shirkadda YALDA oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dalka gudihiisa ku dhaqaaleeya Digaagga, ayaa soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda oo uu ku tilmaamay mid dhiirri-gelinaya maal-geshiga ganacsatada waddaniga ah, isagoo sheegay inay shirkad ahaan doorkooda ka qaadanayaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahidii loo qabay Beedka laga soo dhoofiyo waddamada dibadda. Mr Saadiq Odowaa oo maanta u warramay shabakadda Somalilandpost.net, waxa kale oo uu ka hadlay hilibka digaagga oo shirkaddoodu ka soo dhoofiso waddamada reer Galbeedka iyadoo ay wakiil ka yihiin dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo tayo ahaan iyo caafimaad ahaanba hubiya hilibka digaagga ee laga keenno dalalkaas. Waxa kale oo uu Mr Saadiq ammaan u jeediyey hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland oo uu sheegay inay ku ilaaliso shirkadaha ay ka midka yihiin Shahaadooyinka caafimaad iyo Aqoonsiyada ay u haystaan tayada iyo caafimaadka Hilibka digaaga lagaga soo hubiyey dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.