Wadaad Caan Ah Oo Mamnuucay Furiinka Inta Lagu Jiro Bisha Barakeesan Ee Ramadan Iyo Dalka Ay Ka Dhacday

Wadaad caan ah oo u dhashay dalka Falastiin ayaa mamnuucay in ay is furaan lamaanayaasha is qaba ee kasoo jeeda Falastiin, inta lagu guda jiro bisha Barakeesan ee Ramadaan.

Madaxa maxkamada Islaamiga ah ee dhulka Falastiin Shiikh Maxamuud Xabash ayaa soo saaray amar ah in aysan kala tagi karin ama is furi karin lamaanayaasha is qaba in lagu jiro Bisha Ramadaan, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan waxyaabo yar yar oo xiligan oo kale keena furiin deg deg ah..

Waxa uu sheegay Wadaadkan in uu arkay lamaanayaal badan oo kala tagay inta lagu jiro bisha Ramadaan, waxa uuna arintaasi sabab uga dhigay dadka qaarkood oo baahida ka tan badiso iyo kuwa joojiya cabista sigaarka ay keento in lamaanayaasha is dhaafsadaan hadalo kul kul.

Shiikh Maxamuud Xabash ayaa sheegay in Maxkamadaha reer Falastiin la farayo in aan la fasixin furiinka deg dega ah, waxa uuna tilmaamay in aan waxna laga soo qaadi doonin go’aanada deg dega ah ee guurka lagu burburiyo xiliga lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan-ka