Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud Iyo Caafimaadka Oo Si Qarsoodi Ah U Xaraashaaya Xarun Caafimaad Oo Muuhima.

Hargeisa(GNN):-Warar hoose uu helay wargeyska Hubaal, ayaa shaaciyey inay socdaan qorsheyaal qarsoodi ah oo xubno sare oo xukuumadda katirsani ku doonayaan inay ku xarashaan xarunta xannaanada ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo kamid ah xarumaha caafimaad ee ugu da’da weyn ee dalka ka jira.

Xogahani waxa ay sheegayaan in iibka xaruntani ay isla soo qaadeen saraakiil sare oo xukuumadda katirsani, kuwaas oo ay hormood u yihiin wasiiradda wasaaradaha Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed Cali-marreexaan iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye isla markaana si weyn la iskula gorfeeyey in qarsoodi loo iibiyo xaruntaas muhiimka ah, iyada oo gabbaad laga dhiganayo xarumo koob kooban oo xannaanooyin ah oo laga dhisi doono dhawr degmo oo caasimadda Hargeysa.

  Labadan wasiir iyo xubno kale oo ay cagaha ku jiidayaan ayaa hore u qaatay kulamo qarsoodi ah Hargeysa ku yeeshay, waxana ay isku qanciyeen inay si degdeg ah u xaraashaan xaruntan taariikhiga ah, iyaga oo door bidaya shilimaadka laga qaadayo cidda laga iibinayo, isla markaana la iska indho tiraya muhiimadda ay xaruntani u leedahay qaranka.

Xarunta Xannaanada badhtanka caasimadda Hargeysa, ayaa waqtigan xafiis u ah isu-duwaha gobolka M/jeex ee wasaaradda Caafimaadka, iyada oo qayb kalena tahay xannaano arrimaha haweenka iyo dhallaanka lagula tacaalo.

Xubnaha u tafo-xaydan xaraashka xaruntan caafimaad ee badhtamaha caasimadda ku taalla, ayaa baayactan iyo loollan xagga iibka ah la galay ganacsadaha doonaya inuu iibsado, waxana xogaha aanu haynaa sheegayaan in la isla meel dhigay qiimaha ugu dambeeya ee goobtaas lagu faasixi karo, kaas oo uu ganacsadaha laftiisu ku qancay inuu bixiyo.

Wasiirrada Hawlaha Guud iyo weliba Caafimaadka, ayaa iyagu isku qanciyey inay xaruntaas iibiyaan, waxana warku intaas ku darayaa inuu wasiir Xaglo-toosiye goor horeba qalinka ku duugay warqadda iibka oo wasiirka Hawlaha guud laftiisu ku raacay.

Labadan Wasiir, ayaa la sheegayaa inay madaxtooyada u direen qoraalka ay ku sheegayaan in iibka xaruntaasi loo baahan yahay, balse madaxtooyada, ayaa  iyadu ganafka ku dhugatay inay oggolaansho bixiso.

Ganacsadaha doonaya inuu goobtan iibsado ayaa badka soo dhigay qiime dhan 2000,000(laba milyan)oo dollar taas oo uu ku beddelan doono buqcaddaas muhiimka ah, waxana qiimaha lacagtaas si weyn madaxa ugu lulay xubnaha doonayo inay goobtan xaraashaan.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in xubnaha doonaya inay goobtan xarashaan ku talo jiraan inay qaranka u xareeyaan wax aan ka badnayn 200,000(laba boqol) oo kun oo dollar oo la qorsheeyey in saddex ilaa afar xarumo xannaanooyin ah lagaga dhiso degmooyinka caasimadda Hargeysa, si indhaha shacabka loo tuso in beddelkii xaruntaas la helay.

Sida aanu xogta ku hayno muran iyo dood badan, ayaa ka taagan iibka goobtan, waxana jira masuuliyiin tiro badan oo diidan in goobtan taariikhiga ah la faasaxo, halka ay jiraan xubno wasiirro ah oo saxeexay oggolaanashaha lagu xaraashayo xaruntan.

Ma jiro war intaas dhaafsiisan oo weli kasoo baxay qorshaha iibka ah ee xarunta xannaanada badhtamaha Hargeysa, balse haddii uu iibkani dhaco waxa ay noqon doontaa in goobtani ka daba tagi doontaa goobo taariikhi ahaa oo dad gaar ah laga xaraashay, kuwaas oo uu Tiyaatarka Hargeysa kamid ahaa.

 

Source Hubaal