“Dawadu Maaha Sida Jawaan Bariis Ah Xaqiijin, Tayo Dhawr Iyo Nidaam Ayey Martaa, Soo Daabul Maaha”..Wasiirul Dawlaha Caafimaadka –

Hargeisa(GNN):-Wasiirul dawlaha wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Aadan Jaamac ayaa si dadban uga hadlay dawooyinkii ay xukuumadu hor istaagtay in la geeyo cusbitaalka magaalada Caynaba.

Wasiir Galaal oo barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal uu arintaasi kaga hadlaya ayaa waxa uu ku yidhi “Dawadu Maaha sida jawaan bariis ah, xaqiijin, tayo dhawr iyo nidaam ayey martaa, soo daabul maaha ee wasaarada caafimaadka jamhuuriyada soomaaliland ayaa lagu wareejiyaa,  siyaasad in laga dayana maaha.”

Ciidamada booliska somaliland ayaa maalintii shalay hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ka hor istaagay inuu dawooyin, biyo iyo agab kale gaadhsiiyo cusbitaalka magaalada Caynaba