Waxa Shaqada Looga Joojiyay Inuu Dukumanti Dawladeed Masuulkiisii ku hor Jarjaray

Hargeisa(GNN):-Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa, Cali Xasan Cawaale, ayaa Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii maamulka Dawladda Hoose, Maxamed Maxamuud (Maxamed Roodhi), kadib markii sida lagu eedeeyay uu ku dhaqaaqay falal isugu jira Anshax-darro iyo Musuq-maasuq sida noo caddeeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka dawladda hoose ee magaaladda Hargaysa.

Agaasime Roodhi, ayaa la sheegay inuu Xafiiska Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose la soo galay Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan Saddex Iyo Tobban Milyan oo shilinka Somaliland ah, waxaannu Xoghayaha dawladda hoose Cali Xasan Cawaale ka dalbadday inuu u saxeexo jeeggan Lacagta ah, balse markii uu Xoghayaha fullintu Cali Xasan Cawaale uu wax ka waydiiyay Lacagtan iyo waxa ay ku baxayso, waxa uu Agaasime Roodhi uu sheegay inuu Lacagtan uu iska leeyahay oo uu Maayar Cabdiraxmaan Soltelco ka soo saxeexay.

Xoghayaha fullinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa Cali Xasan Cawaale ayaa go’aansadday inaannu Saxeexin Jeeggaas, isla markaanna ay tahay lacag Musuqmaasuq ah, maaddaama uu Agaasimaha Maamulku uu jeeggan soo samaystay, isla markaanna uu Lacag ah Saddex iyo Tobban Milyan oo shillinka Somaliland ah ku soo qortay, iyaddoo uu go’aankaas Xoghayuhu qaatay uu keennay in Agaasime Roodhi uu si Cadho leh u jeex-jeexo jeeggii uu Lacagta ku soo qortay.

kacay Agaasimaha Maamulka dawladda hoose ee Hargaysa Maxamed Maxamuud Roodhi, hase-yeeshee Xoghayuhu waxa la sheegay in uu shaqada ka joojiyay sarkaalkaas isla markaana uu ku eedeeyay inuu ku kacay fal anshax xumo ah, waxaannu si ku-meel gaadh ah ugu dhiibay agaasimihii maamulka xisaabiyaha Dawladda Hoose.
Xigasho: Wargeyska Dawan