Deg deg: Khasaare ka dhashay Roob ka da’ay Burco.

Burco(GNN):-Khasaare Naf iyo maalba isugu jira, ayaa ka dhashay Roob Danab watay oo galabta abaaro 5:00  ka da’ay Magaalada Burco.

Roobka oo sida la sheegay lahaa Onkod iyo Biliq badan, ayaa sababay dhaawaca ilaa saddex ruux inta la hubo, kuwaasoo uu ku dumay guri ka samaysan Jiingad oo ku qabsanaa Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada oo ay qayb kamid ahi duntay.

Wararka qaar ayaa sheegay in dumista garoonka ay sababtay dhimasho hal qof oo kamida saddexda ruux oo dhaawac lagu geeyey Cisbitaalka.

sida ay Gobanimonews u sheegeen goob-joogeyaal, waxa dumay qayb kamida Garoonka kubadda cagta, kaasoo ku dhacay guryo yar-yar oo ku qabsanaa.

Sidoo kale, Wariye Siciid Xuseen Riiraash oo  ku sugan Magaalada, ayaa sheegay inay guryo badani dumeen suuqa la yidhaahdo Inji, halkaasoo khasaare badan roobku gaadhsiiyey goobo Ganacsi, Guryo la degenyahay iyo Xadhkihii Korantada iyo Telefoonada , laakiinse cid wax ku noqotay wali lama sheegin, sida uu Wariyuhu sheegay.

Wariyaha oo khadka Telefoonka ee Magaalada Burco ugu waramay Gobanimonews,  ayaa intaa ku daray in qaybta Bari ee Magaalada illaa iyo hadda Korantadu ka  maqantahay, laguna howlanyahay sidii loo kala guri lahaa bur-burka uu roobku sababay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa ka shaqaynaya meelaha waxyeelladu ka soo gaadhay roobkan.

Magaalada Burco hore waxa uga da’ay roobab waaweyn usbuucyadii la soo dhaafay, hase ahaatee wax khasaare ahi kama dhalan.