Booliska Dalka Mozambique Oo U digay Ragga Bidaarta Leh.

Booliska Mozambique ayaa u digay ragga bidaarta leh in ay bartilmaameed u noqon karaa weeraro. Waxaa ay sheegeen sedex nin oo bidaar leh in lagu dilay dhawaan degmada dhexe ee Milange .Mid ka mid aha ayaa lagala baxay xubnaha jidhkiisa.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in raggan bidaarta leh ay dileen dad aaminsan in madaxiisu ku jira dahab.

Laba qof oo falkan looga shakisan yahay ayaa la xidhay oo labaduba ay dhalinyaro yihiin.

Waxa ay booliiska u sheegeen in jidhka ragga bidaarta leh loo isticmaalo xafladaha islamarkana la rumaysan yahay in ay badinayso hantida.

Dhaqankan wali hore looma soo sheegin haseyeeshee waxaa jiray in la dilay dad badan al Albiinada loo yaqaaanno ee koonfurta iyo bariga Africa, gaar ahaan dalka Tanzania .

Qaybaha jidhkooda ayaa waxa loo isticmaalaa dhaqan diimeed.

Waxa la rumaysan yahay in dadka iibsada ay u soo jiidaan nasiib wanaagsan iyo jaceyl .