Dagaal Ba’an Oo Tuulada Af-Urur ku Dhex-maray Puntland iyo Al-shabaab iyo Shabaab Oo Sheegtey Iney Dileen 61 Askari.

Kooxo loo malaynayo in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Gal-gala oo sanado ka hor laga saaray xooga-ga Al-shabaab.

Dagaalkan oo aan khasaarihiisa si rasmi ah loo ogaan karin ayaa la sheegay in uu hadda si goos goos ah uga socdo deegaanka ,waxaana goobta uu ka dhacay lagu magacaabaa Af urur waana deegaan kayn ah oo ay timirtu ka badan-tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa warbaahinta Reuters u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay qabsadeen af-urur.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in 80 meeyo qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay dagaalkan ku geeriyoodeen ,kaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah ,xiligii saxuurta kadib sida ay sheegayaan xogo hoose oo laga helay goobta dagaalka,

Afhayeen u hadley Kooxda Alshabaab ayaa sheegtey dilka 61 askari oo ka tirsan maamulka Puntland

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa 10 km u jirta deegaanka Ceel-daahir oo 90 km u jirta magaalada Bosasoo ee xarunta gobolka Bari ,waxaana dagaalkan uu noqonaya kii ugu horeeyay oo labada dhinac dhex-mara tan iyo markii la galay bisha barakaysan ee Ramadan.

Ugu danbayn ,Puntland ayaa dagaal adag kala kulmaysa kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh gobolka , xili dhawaanahan ay socdeeen howl-galo ka dhan ah  kooxahaas oo laga fulinyay deegaanada Puntland.

Log11