Dawlada Itoobiya Oo Hawadda Ka Saartay Internaydka Wakhtiga Intaxaanka.

Hargeisa(GNN):-Khatkii Internetka ee Itoobiya oo dhan ayaa la jaray si looga hor tago in Online -ka lagu faafiyo imtixaanka heer qaran, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda.

Maxamed Siciid oo ka tirsan xafiiska xidhiidhka dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “In jaritaanka internetka looga golleeyahay in aysan soo laabanin arrintii sannadkii hore dhacday oo kale oo ahayn in internetka lagu faafiyay imtixaankii heer Qaran”.

Sannadkii 2016kii ayay dawladdu mamnuucday baraha ay bulshadu ku xiriirto ka dib markii imtixaankii heer qaran ee dugsiga sare lagaga gudbayay la soo dhigay Online-ka.

Laakiin qaar ka mid ah dadka ayaa

su’aal galiyay faahfaahinta ay dawladdu bixisay ee la xidhiidha Internetka la jaray.

Imtixaannadan heer Qaran ayaa la filayaa in ay dhammaadaan siddeeda June, ka horna waxaa muuqata in dowladda Itoobiya ku dadaali doonto xifdinta Imtixaanka.

Inkastoo lagu sheegay in baraha bulshada oo kali ah la xannibay haddana ilo ku sugan Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in ay jirto internet la’aan baaxad leh oo saamaynaysa Mobeellada iyo taleefannada kale ee internetka ku shaqeeya.

Xaalad deg-deg ah ayaa ka jirtay Itoobiya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore, arrintaas oo daba socotay mudaaharaadyo dawladda lagu diidanaa.