Dowladda Qadar ayaa ciidamadeeda Nabad-ilaalinta ah kala soo baxday xadka u dhexeeya wadamada Jabuuti iyo Eritrea, kadib markii labada wadan ee ku yaalla bariga Africa ay la safteen dalka Sacuudiga.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar, wax sabab ah kama ay bixin, balse arrintan ayaa imaneysa xili xiisad diplomaasiyadeed iyo cunaqabateen lagu soo rogey xukuumadda Doha.
Sida laga soo xigtay hay’adda UN Monitoring group, dowladda Qatar ayaa 200 oo askari ay ka joogaan xadka labada wadan, kuwaas oo nabada ilaalinaya. Sidoo kale ciidamada ayaa ka qeyb-qaadanayay wada hadalo iyo dhex-dhexaadin.
Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xidhay xadkeeda dawladda Qadar arintaas oo saameysey dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.