Dowladda Turkiga Oo Saacado Kooban Ka Dib Jawaab Kulul Oo Deg Deg Ka Bixisay Dalab Ay Soo Jeediyeen Dalalka Sucuudiga Iyo Imaaraadku.

Qadar(GNN):- Dalalka ka horjeeda Qatar ee ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Qatar ayaa soo

gudbiyay dalab ka kooban 13 Qodob oo ku saabsan in Qatar ay qaado inta aan laga noqon xayiraadda ay saareen, waxaana ka mida inay xidho saldhigga milateri ee Turkigu ku leeyahay dalka Qatar.

Image may contain: 1 person, standing and suit

 

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Fikri Isik ayaa sheegay in Turkiga aysan qorshaha ugu jirin xedhitaanka saldhigga milateri ee Qatar, wuxuuna intaas ku datay in saldhiggaasi uu qaabilsan yahay ammaanka Gobolka Khaliijka oo dhan.

Jawaabta kulul ee Turkiga ayaa soo baxday saacado kooban kadib markii dalabka qoraalka Sacuudiga iyo Imaaraadku soo gaadhay dalka Qatar iyadoo lasoo mariyay dalka Kuweyt

Turkiga ayaa is garab taagay dalka Qatar, markii ay godoomiyeen dalalka Khaliijka, isagoo ciidamo u soo diray dalkaasi.