Hargeisa-Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Galabta

Hargeisa(GNN):-Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid oo ka mid ah Abwaaniinta Somaliland ayaa maanta laga sii daayay Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa, kadib markii uu soo dhammaystay Xukun dhawr sanno ah oo Maxkamadda gobolka Hargaysi ku riday.

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid, oo muddo laba Sanno gaadhaysa ku xidhnaa Jeelka wayn Hargaysa, ayaa la soo daayay, iyaddoo uu Abwaanku xadhigaas ku muttaystay Gabay uu ka tarriyay Weerarkii lagu qaadday dalka France.

Waxaaana Inta La ogyahay Xadhigyo Noocan Oo kale Ah Loogu Xidhay Gabayo uu Tiriyey Oo Xagjir puthland iyo ethiopia.