Xisbiga Kulmiye Iyo Madaxtooyada Oo Ganafka Ku Dhufatay Guddida Wacyi-Gallinta Kaadh-Qaybinta Ee Maamulka Gabiley Hore U Magacaabay,Soona Saaray Guddi Cusub

Gabiley (GNN)- Mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Heer Qaran iyo Madaxtooyada Somaliland ayaa La sheegay inay Gaashaanka ku dhufteen Guddida Wacyi-Gallinta Kaadh-Qaybinta u matali doonta Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada, kuwaasi oo dhawaan ay u Magacaabeen Maamulka Magaalada Gabiley, inay ka hawl-galaan Ollollaha Kaadh-Qaybinta ee dhawaan ka billaabmi doonta Magaalada Gabiley iyo Guud ahaan Gobolka Maroodi-Jeex.
Guddida Wacyi-galinta ee laga soo biyo-diiday Madaxtooyada iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa sida la xaqiijinayo u badnaa Mas’uuliyiin ku abtirsada Axsaabta Mucaaradka Marka laga reebo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee isla Xisbiga Kulmiye iyo Walib Xildhibaan Cabdi Xabeeb oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, Iyada oo Tiradooda guud ahayd Shan iyo Toban Qof, marka laga reebo Sadexda Mas’uul waxay noqonayaan Laba iyo Toban Qof oo Calaamatu-Su’aal saaran tahay, arrintaasi ayaa sababtay in Laga soo diido Xaga Sare.

Warku waxa kale oo uu Intaa ku darayaa in Hogaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa Is-Huwani ay soo Magacaabeen Shan iyo Toban Qof oo Guddi u noqonaya Wacyi-Gallinta Kaadh-Qaybinta ee Kaabiga soo saaran, kuwaasi oo sida la sheegayo u badan Mas’uuliyiin Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u badan iyo Qaar hore u soo maray Jagada Wasiirnimada. Ee Xukuumadihii kala danbeeyey ee soo maray Dalkani, iyo Waliba Qaar Iyagu kaba mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Gabiley.Net

Office