Hargeysa”Tuug Dalka Yeman Udhashay Oo Qaab Khatar Ah Uxaday Dukaamo Ganacsi Oo Hargeysa Kuyaala Iyo Lacag Iyo Dahab Uu Qaatay

Hargeisa(GNN):-Nin u dhashay Dalka Yeman ayaa Jabsaday Dukaamo kala duwan oo ku Yaala Magaalada Hargeysa, Tuugan Yemaniga ah ayaa qaab farsamo oo aad usareeya ujabsaday dukaamada uu udhacay.

Ninkan ayaa dukaamada uu Jabsaday uga Soo dhacay dusha Sare kadib markii uu Maqas ku gooyay jiingada sare ee dukumada dusha Ka saaran sida la sheegay, ka dibna waxa uu ka Qaatay Meheradahaasi lacago iyo Dahab Yaalay Gudaha Dukaamada

Muuqaalo laga helay Kamaradaha CCTV oo ku xidhnaa Dukaamada la Jabsaday ayaa dhamaantood lagu arkay ninkaasi u dhashay Dalka Yemen oo waqti Dambe dusha uga Soo Dhacaaya Dukaamada ka dib jabinaaya Qasnado Dhex yaalay.

Inkasta oo Aaney Ahayn Meheradaha Ninkan Ay U Suurto Gashay Inuu Xaddo Meheradaha ugu Waaweyn ee Magaalada, Haddana Waxaa Warar Rasmiya Oo Soo gaadhaya Shabakada Gabiley News Xaqiijiyeen Inuu Xatooyo Ku Sameeyey qaar Kamid Ah Dukaamo Ka Ganacsada Bagaashka Iyo Alaabta yaryar.

Wali laguma Guulaysan in la qabto Ninkan

Waa markii ugu horaysay ee magaalada Hargeysa, nin u dhashay wadanka Yemen uu jabsado dukaamo kala duwan oo ku Yaala Caasimada.

Hargeisa Somaliland

Contactgabileynews@gmail.com