Komishanka Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Mar Labaad ka Muquurtay In Ay Bulshada Gabiley Ku Wacyi Galiyaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta

Gabiley(GNN) iyadoo mudo Todobad ah Ay Inga Xigto wakhtiga La Filayo In Gobolka Maroodi jeex ay Ka Bilabanto Qaadashada warqada Codbixiyaha Ee Doorashooyinka Madaxtoyada Somaliland
Waxana Kamid ah Gobolada La Filayo Inay Mar Ka wada Bilaabanto Maroodi Jeex Iyo Gabiley
Gobolada Uu Xisbiga Kulmiye Ku Faano Oo Ay Kamid Yihiin Gabiley Iyo Deegaanada Hoos Yimaada
Ayaa Gabi Ahaanba Waxan Jirin Ilaa Maanta Wax Wacyi Galin ah Oo Ay Gabi Ahaanba Ka Sameeyeen Komishanku Sido kale Maamulada Iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka ayaa Gabi Ahaanba Ka Muquurtay Inay Wax Wacyigalina Ka Sameeyaan Gabiley Iyo Deegaanada Ku Teedsan
Waxa Xusid Mudan In Xisbiga Kulmiye Oo Sheegan Jiray Cadka Bulshadani Ku Dhaqan Gobolka Cagaaran Ee Gabiley Iyo Deegaanadiisa Hoos Yimaada Uu Sidokale Isna Ka Muquurtay In Uu Dadwaynaha Deegaanadani Ku Wacyi Galiyo Sidii ay U Qaadan Lahaayen Warqada Codbixinta
Waxana Loo Aanaynayaa Sababta Uu Xisbiga Kulmiye Uga Muquurtay Inuu Bulshada Ku Wacyi Galinwaayo Inay Qaatan Warqada Codbixinta ayaa ah
Kadib Markii Ay Masuuliyiintii xisbiga Kulmiye Uu Usoo Magacaabay Ay Gabi Ahaanba Ay Noqdeen Fadhiid islamarkaasina ay Garan waayen Hawlihii Losoo Igmaday
Taasi Oo Sababtay In Markale Xisbiga Kulmiye Losoo Magacaabo Xubno Kamid ah Golaha Deegaanka Gabiley Oo Qaarkod ay Yihiin Xildhibaanadii Kasoo Baxay Xisbiyada Mucaaridka ah Ee Wadani Iyo Ucid , Walow Ay Joogaan Xubnihii Uu Sida Toos ka ah Uu U Magacaabay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
Isku Soo Wada Duubo Hadii Aan Sida Ugu Dhakhsaha Badan Looga Hawl Galin Sidii Loo  Wacyi Galin lahaa Bulshada Gobolkani Gabiley Inay Qaataan Warqada Codbixiyaha Taasi Oo Hadii ay Sidaasi Kusii Socoto Ay Guul Daro U Horseedi Doonto Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbul Xaakimka Talada Haya Ee Kulmiye Muuse Biixi

Iyadoo Aynu Ka Wada War Qabnay In Gobolka Gabiley Uu Hoos U Dhac Ku Yimid Qaadashadii  Kaadhadhka Aqoonsiga iyo Codbixinta Islamarkaasina ay Noqotay Tirada Guud Ee Qaadatay 58,087

IMG_9008

 

Waxana Hoos U Dhacaasi Loo Aanaynayay Wacyi Galin La Aantii Koomishanka Iyowaliba Masuuiyiinta Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye U Matala Gabiley Oo Ka Gaabiyay Doorkii Ay Ku Lahaayen Wacyigalinta Oo Meesha Ka Maqnaa

Waxana Muuqata Hadii Aan Fadhiga Laga Kicin Inay Gabiley Inta Qaadata Warqada Codbixintu Ay Kasii Hoosayn Doonto 58000 Kun

Gabiley.Net
Office Gabiley