Maxamuud Xaashi:”Madaxtooyadu maaha meel cid waliba iska soo gasho”

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay inaanay Madaxtooyada cid walba lagu qaabilin ee ay tahay meel lagu soo dhaweeyo Dad meeqaamkoodu sareeyo, sida Wufuuda Beesha Caalamka, madaxda Hay’addaha Caalamiga ah iyo dad sida uu sheegay ah kuwo maamus qaran leh.
Hadalkan oo ah mid uu meesha kaga saaray u sinaanta Muwaadiniinta ee qasriga Madaxtooyada, ayuu ka sheegay munaasibad Abaal-marin lagu guddoonsiiyey Dhalinyaro ku guulaystay tartanka Qur’aanka ee Bisha Ramadaan oo uu Madaxweyne Siilaanyo guddoonsiiyey abaal-marinaha.
Haddaba halkan ka Daawo Khudbada Wasiir Maxamuud Xaashi: