Waxa cirka isku sii shareeray khilaafkii Dibblomaasiyadeed ee wadamada Khaliijka ka dhex qarxay,iyada oo dhawr wadan oo khaliijka kamid ahina ay go’doon galiyeen dalka Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageeto kooxaha Argagixisada.
Arirnkan ay dalalkaasi ku ogolaadeen Baasaboorka Somaliland ayaa ka danbeeyey kadib markii ay dawlada Somaliland dhawaan shaaca ka qaaday inay taageersan tahay xulufada ay hogaaminayaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku isla markaana xidhiidhka u jaray go’doona galiyey dalka Qadar.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugan dalka Imaaraadka Carabta,waxaana sidoo kale la filayaa in ay koox Wasiiro ahina ay ka daba tagaan waftiga madaxwaynaha isla markaana ay kulamo la qaataan madaxda Imaaraadka Carabta.