Ururka Dhaliyarada Jiidali Ayaa Caawa Afur Iyo Casho Sharaf Ku Qaabiley Dhaliyarta Ururka Guryosamo 1 ee Gobolka Togdheer.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Caawa Kulan Casho Sharaf Iyo Afur Ah Ku qaabilay gudiga qaban qaabada shirka Balidhiig ee Guryosamo 1 Ururka Dhalinyarada Jiidali beesha Subeer Awal iyo Xildhibaano ka socday golaha deeganka Degmada Gabiley  iyo sidoo kale xubno kale oo kamid ah qaybaha bulshada casimada Somaliland,

Kulankan oo ay martiqaadkiisa lahaayeen Ururka Dhalinyarada Jiidali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii gudiga qaban qaabada shirka beelaha bariga burco ee ka dhici doona deeganka Balidhiig loogu muujin lahaa taageero, isla markaana ay dhalinyarada Jiiladi ugu cadayn lahayd sida ay uga Xun yihiin sidii looga hor joogsaday shirkan ay wadaan oo xukuumada isku dayday in ay joojiso,

gudiga guryosamo 1ururla jiidali 2

 

Ugu horayna waxaa madashan afurka ahayd oo caawa ka dhacday magaalada Hargaysa gaar ahaan Huteelka Sun ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Jiidali Xamse Jimcaale oo isagu faah faahiyay ujeedada ay ugu martiqaadeen iyo sida ay taageerada balaadhan ula barbartaagan yihiin shirka ay wadaan gudigan qaban qaabada shirka Guryosamo madasha ka sheegay Sidoo kale wuxuu si kaftan ah ugu sheegay in shirkan ay wadaan dhalinyarada beesha Habarjeclo waxba yeelayn isbahaysigii siyasadeed ee ay lahaayeen labadan beelood kaasi oo ku tilaamay in aanay jirin xiligan wax u diidada beeshani ay dib u eegaan danahooda siyaasadeed iyo cida ay wax wada yeelanayaanba,

ururla jiidali 1gudiga guryosamo 2

Waxaa isna madashan hadalo kooban oo isku jira in ay beel ahaan iyo xisbi ahaanba ka xunyihiin sidii loo horjoogsaday gudiga qaban qaabada shirka balaydhiig madasha ka sheegay Xildhibaan Maaxamed Aamin Cali oo isagu katirsan xildhibaanada xisbiga kulmiye ee golaha deegan degmada Gabiley Wuxuna yidhi “anaga oo ah beesha la leeyahay doorkan waxbay doonaysaa iyo cidbay ku leedahay dayn siyaasadeed waxan indin leenahay waanu ka xunahay wixii laydunkula kacay mana jirto meel aan reer ahaan lanoogu xidhan yihiin xaqbaan uleedihiin in aad aayhiina ka tashataan.

ururka jiidali 4ururka jiidali 3

Dhanka kale waxaa iyaguna ka dareen celiyay afurkan iyo casho sharaftan lagu qaabiley gudiga qaban qaabada shirka Balaydhiig xubno ka mida xubnihii ku sugnaa madashan oo iyagu dhinacooda sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida diiran ee ay u qaabileen dhalinyarada beesha Subeer Awal ee Jiidali Waxay,

sidoo kale waxay  ka war bixiyeenn sida ay ugu socoto qaban qaabadii shirka oo ay xiligan ku gudo jiraan sidii looga guri lahaa wixii turxaan ah ee ka hortimiday, waxay xuseen in uu shirku daaran yahay sidii looga tashan lahaa kawada shaqaynta arimaha bulshada ee deeganada ay degan tahay beesha Habarjeclo .

Gabo gabadii shirkan ayaa waxaa soo afmeeray gudoomiyaha Ururka jiidali Cabdiraxmaan oo isagu gudiga qaban qaabada shirka Balidhiig ee Guryosamo1 kula dardaarmay in ay wax kastoo ka horyimaada u adkaystaan kuna dadaalaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirku, Isagoo gudoomiye Cabdiraxmaan u cadeeyay in ay beelahan taageersan yihiin shirkoodan wixii kasoo baxa ay u arkayaan dan umadeed laga taliyay ,

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa kusoo dhamaaday jawi is afgarad kaasi oo loo balamay kulano danbe