Sucuudiga Iyo Imaaraadka Oo La Sheegay Inay Ogolaadeen Baasaboorka Somaliland iyo Qalabka Hawada Lagu Kaantaroolo oo La Siiyay JSL

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in khilaafkaa Diblomaasiyadeed uu wadamada Khaliijku uu sababay in ay wadamada Boqortooyada Sucuudig Carabiya iyo Imaaraadka oo ah hogaamiyayaasha xulufadan Khaliijka ee go’doonka galiyey Qadar ay ogolaadeen in dalalkooda lagu soo gali karo Basaasboorka Somaliland,Sidoo kale xogaha ayaa waxay noo iftiimiyeen in dawlada Sucuudi Carabiya ay ogolaatay in muwaadiniinta Somaliland ay xajka sanadkan ku imaan karaan Baasaborka Somaliland halka ay taas badalkeedana xanibeen in xajka lagu yimaado Baasaboorka dalka Somaliya oo ay iyaga ku lifaaqiyeen inay la safan tahay Qadar islamarkaana ay taageeraan Argagixisada.Sidoo kalena dawlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay Somaliland ku caawin doonto Qalabka lagula socdo dhaq-dhaqaaqada diyaaradaha Hawada Somaliland marayaa ee loo yaqaan Raadaarka,waxaana sidoo kale ay Imaaraadka Carabtu ogolaadeen in Baasaboorka Somaliland lagu soo gali karo Imaaraadka.

Arirnkan ay dalalkaasi ku ogolaadeen Baasaboorka Somaliland ayaa ka danbeeyey kadib markii ay dawlada Somaliland dhawaan shaaca ka qaaday inay taageersan tahay xulufada ay hogaaminayaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku isla markaana xidhiidhka u jaray go’doona galiyey dalka Qadar.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugan dalka Imaaraadka Carabta,waxaana sidoo kale la filayaa in ay koox Wasiiro ahina ay ka daba tagaan waftiga madaxwaynaha isla markaana ay kulamo la qaataan madaxda Imaaraadka Carabta.