Xisbiga Kulmiye Oo Taageero Agab La Garab Istaagay Kooxaha Kubada Kolayga Ee Garoonka Timada-Cade Iyo Murashax Muuse Biixi Oo Booqday+Sawiro

Hargeysa(GNN):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi oo uu ka tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo agabka ciyaartoyga iyo qalabka lagu qabtayba uu bixiyey xisbigu.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE Cabdinajax Siyaad, waxa garoonka ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha Gacmaha Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), hawlwadeennada tartanka, ciyaartoyga iyo dadweyne u soo daawasho tagay garoonka.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku sugnaa garoonka waqti ku dhaw saacad oo uu ku daawaday qayb ka mid ah ciyaar dhexmartay labada kooxood oo ka kala socday shirkadda Telesom iyo dawladda hoose ee Gabiley.

Masuuliyiinta ka socday Xidhiidhka Kubadda Gacanta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka warbixiyey tartanka ka socda Garoonka Tima-cadde oo ay sheegeen isugu jira heerka koowaad oo ay ku tartamayaan 7 naadi iyo qaybta kooxaha heerka labaad oo ay ku tartamayaan 8 kooxood, isla markaana waxay uga mahadceliyeen Guddoomiyaha iyo xisbiga KULMIYE taageerada ay ka gaysteen tartan oo isugu jirta dirayska 15 kooxood, billadaha iyo koobabka la kala qaadayo.

Madaxda ciyaaraha iyo Wasiirka Caddaladdu waxay u mahadceliyeen Guddoomiyaha xisbal-xaakimka oo ay ku sifeeyeen masuul xog-ogaal u ah dadkiisa iyo da’yarta dalkaba.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo isna hadal kooban ka jeediyey garoonka, waxa uu ku hambalyeeyey dhallinyarada, kooxaha ciyaartoyga iyo Wasaaradda Ciyaarahaba hirgelinta tartannada ciyaaraha oo uu xusay inay muhiimada wayn u leeyihiin da’yarta. Waxaannu ugu baaqay ciyaartoyga inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed si ay heer fiican uga gaadhaan, ugana badbaadaan balwadaha dhibaatada ku haya dhallinyarada.

Guddoomiyuhu waxa isagoo ku dhiirrigelinaya dhallinyarada ciyaarta kollayga uu dhawr jeer sameeyey sharciga labada tallaabo loo yaqaanno kadibna uu kubadda ku tuuray riinka goolka ee garoonka ciyaartu ka socotay.