Burco-Xoghayihii Xisbiga Waddani Ee Gobalka Togdheer Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Burco(GNN):-Xoghayihii Gobalka Waddani Togdheer Ee Xibsiga Waddani Cabdisamad Axmed Boon Ayaa Goordhawayd ciidamada Amaanku Xabsiga u taxaabeen.

Xadhiga Xoghayaha Ayaa Waxa Amray Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Saleebaan Cali Ramaax Sida Ay Shabakada Gabiley.net u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka Tirsan Xisbga Waddani.

Xidhigan Xoghayaha ayaa Noqonaaya Masuulkii Sadexaad ee laga xidho xisbiga waddani intii ay gobolka togdheer ka socota kaadh-qaadashadda codaynta

Ilaa hadda wali kamuu hadal badhasaabka gobolka togdheer sababta masuulka lagu xidhay iyo ujeedka laga leeyay xadhigiisa.

Balse Waxaa Jira Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed Oo Todobaadkii ugu Danbeeyey ka Socoday Gobolka Togdheer oo ay Ku Hirdamayeen Xisbiyada Siyaasada Somaliland Ku loolamayaa.

Wixii Warar Ah ee ka soo kordha kala soco Shabakada GNN.